4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 6 , 2016
Tababar 2 todobaad ah oo shaqaalaha safaarada Soomaaliya ee Nairobi Kenya u bilowday

Sabti, Agoosto 06, 2016 (HOL)-Shaqaalaha safaarada Soomaaliyeed ee  kutaala Nairobi Kenya ayaa shalay galinkii dambe loo furay tababar la xiriira arimaha diblomaasiyada iyo xiriirada caalamiga ah.

Ilaa 20 shaqaalaha safaarada ah ayaa ka qeyb qaadanaya tababarka waxaana casharo siinaya barafasoor Ibrahim Bursaliid oo ah barafasoor Soomaaliyeed oo ku takhasusay arimaha xiriirada caalamiga ah iyo diblomaasiyada iyo weliba culuumta sayniska siyaasadaha iyo ijtimaaciga.

“Muddo ayaan diyaarinaynay tababarkaan, ujeedkiisuna waa in diblomaasiyiintu kororsadaan casharro kusaabsan shaqadooda, waana markii labaad oo aan sameyno tababar noocaan ah, waxaana rajaynayaa in wax badan uu kusoo kordhiyo howlaha aan dalka u hayno”. Maxamed Amiin Sheekh Cismaan qunsulka 1aad ee safaarada ayaa sidaa yiri.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa tababar noocaan oo kale ah u qabatay diblomaasiyiinta safaaradda sanadkii la soo dhaafay,waxaana sidoo kale u qorsheysan inay qabato tababarro kale sida ay sheegeen saraakiisha safaaradda.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]
Magaalada Nairobi Kenya.