4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 5 , 2016
Xisbiga DA oo Horumar Ballaaran ka Gaaray Doorashada Dowladaha Hoose ee Koonfur Afrika


Jimco, August 05, 2016 (HOL) — Xisbiga haya talada Waddanka Koonfur afrika ANC, ayaa qirtay in looga adkaaday Doorashooyinkii Dowladaha Hoose ee ka dhacay magaalada Port Elizabeth, iyagoo ay lumiyeen Codadka Tageerayaal xoogan uu xisbiga ku lahaa 22-kii sannadood ee ugu dambeeyay balse hoggaanka xisbiga waxay sheegeen inay isha ku hayaan natiijooyinka ugu dambeyn soo bixi doonta.

Sidoo kale, Xisbiga DA ee Democratic Alliance, ayaa haatan u Hanqal-taagaya inuu guulo kasoo hoyo magalooyinka Johannesburg, Pretoria iyo Tshwane halkaasoo loolan adag uu ka jiro, Waxaana haatan muuqata in guul-daro aad u weyn ay soo gaartay xisbiga ANC oo kuraas badan lumiyay.

Balse, Xisbiga ANC, wuxuu hadda isku dayayaa inuu adkeysto Magaalooyinka Johannesburg iyo Caasimadda Koonfur Afrika ee Pretoria, iyadoo la filayo in natijada kama dambeysta ah ay soo baxda soo aadan taasoo kala caddeyn doonto xisbiga Rasmi ahaan u maamuli doona Dowladaha Hoose ee dhawrka magalooyinka ee la isku hayo.

Dhanka kale, Xisbiga ANC ayaa hadda haysta Aqlabiyadda Guud ahaan ee Doorashooyinka isagoo helay, 54.29% halka xisbiga DA Democratic Alliance uu haysto 26.23% waxayna tani ka dhigaysaa inuu yahay xisbiga ANC kan ugu awoodda badan siyaasadda Koonfur Afrika isago haatan ku Guuleystay lix gobol.

Ugu dambeyn, Labada Xisbi ayaa haddii uu midkood guulo ka gaari waayo magalooyinka Dhaqaalaha Xooggan leh ee Johannesburg iyo Tshwane, ayaa Wuxuu mid walba u baahnaan doonaa is-baheysi uu la sameeyo xisbiga 3-aad ee aan haysan codadka badan ee EFF si maamulka ula wadaago.

Cumar Muxumed Maxamed (Kiyow)
E-mail:
[email protected]
Johannesburg, Koonfur Afrika