4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 5 , 2016
WARBIXIN: Shirkii Madasha Wada-tashiga Doorashada oo aanay weli Wax Natiijo ah kasoo bixin


Jimco, August 05, 2016 (HOL) — Shirka wada-tashiga doorashooyinka dalka ayaa wali socda, iyadoo aanay wax natiijo ah kasoo bixin, waxaana wararku ay sheegayaan in maanta aanay madaxda shirin oo ay nasanayaan, waxaana la isku soo laaban doonaa berri oo Sabti ah.

Qodobada aadka la isugu hayo ayaa waxaa ka mid ah; in doorashada dib loo dhigo illaa bilaha November Sannadkan, balse weli madaxdu iskuma raacin in sidaan la yeelo.

Sidoo kale, Wararka ayaa intaas ku daraya in muddo kordhin sannad ah ah la siiyo Dowladda Federaalka Somalia si howlaha la qaban waayay ay muddada Sannadkaas ugu dhameystirto, qodobkaanna la iskuma raacin.

Waxaa kaloo la sheegay in la isku hayo dhaqaalaha ku baxaya Doorashada, iyadoo Dowladda Somalia ay Dalbatay in dhaqaalaha ku baxaya Doorashada ay bixiso Beesha Caalamka, halka Beesha Caalamka ay dhankeeda sheegtay in Dowladdu ay 70% bixiso, inta kalena ay bixiyaan, balse Dowladda Somalia ayaa sheegtay inaysan dhaqaale hayn.

Ugu dambeyn, Shacabka Soomaaliyeed ayaa sugaya natiijada ugu dambeysa ee kasoo bixi karta shirka, kaasoo lagu go'aamin doono xilliga ugu dambeeya ee doorashadu ay dhacayso.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya