4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 5 , 2016
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo u Ambabaxay Addis Ababa


Jimco, August 05, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, halkaasoo uu uga Qayb-galayo Shir-madaxeedka Urur-goboleedka IGAD.

Kulanka madaxeedka IGAD, ayaa waxaa looga hadli doonaa Arrimaha Waddanka Koonfurta Suudaan iyo Doorashooyinka ka dhacaya Soomaalia Sannadkaan lagu jiro daba-yaaqadiisa.

Amniga Waddooyinka Muqdisho ayaa la adkeeyay inta madaxweynuhu uusan ka dhoofin garoonka Aadan Cadda ee Muqdisho, waxaana bixitaankiisa uu ku soo beegmayaa iyadoo aan weli lasoo gaba-gabeyn shirka Doorashooyinka ee Muqdisho ka socda.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa inuu Magaalada Muqdisho kusoo laabto maalin kaddib, iyadoo shirka madasha wada-tashiga ee ay Hoggaamiyeyaasha Soomaalidu leeyihiinna aanay natiijo kasoo bixin.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya