4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 5 , 2016
Shirka Madasha Wada-tashiga oo Maalintii Saddexaad ka socda Muqdisho iyo Qodobo la isku hayo


Jimco, August 05, 2016 (HOL) — Waxaa weli ka socda Muqdisho Shirka Madasha Wada-tashiga oo saddexdii bishaan ka furmay madaxtooyada Somalia, kaasoo la filayay in xalay lasoo gaba-gabeeyo.

Hoggaamiyaasha Madasha Qaranka ee Muqdisho ku Shirsan, ayaa weli ka doodaya Waqtiga Rasmiga ah ee ee la qabanayo doorashada Soomaaliya ee Sannadkan 2016-ka dhacaysa.

Dhanka kale, Warar kala duwan oo laga halayo kulankan ayaa sheegaya in Hoggaamiyaasha ay mar soo jeediyeen in doorashooyinku ay dhacaan bilaha September iyo Oktoobar ee Sanadkan, iyadoo Bisha September la dooran doono Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, halka Bisha Oktoobar la dooran doono Madaxweynaha Somalia.

Qaar ka mid ah Madaxda ayaa rumeysan in muddo Sannad iyo dheeraad loo kordhiyo Dowladda FS ee xilligan shaqeynaysa si loo dhameystiro waxyaabaha dhiman.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu Maanta oo ah Jimco u dhoofi doono dalka Itoobiya, halkaasoo uu uga soo Qayb-geli doono shir hal maalin soconaya.

Ugu dambeyn, Bulshada Soomaalieed ayaa iska ku haya natiijada kasoo bixi karta shirka maadaama Wada-tashiga Doorashooyinka dalka, kaaso go'aan looga gaari doono xilliga ay dhacayso doorashada sannadkan.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya