4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 5 , 2016
TRUMP: Qoxootiga ay Soomaalidu ka mid tahay Waxay Khatar ku yihiin Amniga Mareykanka


Jimco, August 05, 2016 (HOL) — Murashaxa Xisbiga Jamhuuriga Dalka Mareykanka, Donald Trump ayaa mar kale ka hadlay Arrimaha Islaamka iyo Qoxootiga Mareykanka ku nool oo ay Soomaalidu ka mid tahay ku tilmaamay kuwo khatar ku ah ammaanka guud ee Mareykanka.

Trump ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Portland, Maine oo uu dad badan kula hadlayay. Isagoo sheegay in Soomaalida soo galay Mareykanka ay ka yimaadeen meel khatar ah, sidaas daraadeedna ay halis ku yihiin amniga dalka Mareykanka oo dhan.

"Meelo fara badan ayaa looga hadalayaa Qoxootiga Soomaliyeed ee gobolka Maine ku dhaqan. Gobolkan iyo Gobollo kale oo Dalka Mareykanka ku yaalla, waxay marti-geliyeen boqollaal kun oo Qoxooti ah, waxayna qoxootigan ka imaanayaa dalka ugu khatarta badan caalamka, waxayna u baahan tahay in laga hortago khatartaas, waayo dadka kama caqli badna," ayuu yiri Trump.

Sidoo kale, Murashaxa Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka ayaa wuxuu intaas ku daray in dhacdooyinka amni-darrada ah ee Mareykanka ka dhacay sannadihii lasoo dhaafay ay ka dambeeyeen dad soo galooti ah oo muslimiin ahaa.

"Washington Post ayaa Wariyay in barnaamijka dib loogu dajinayo Qoxootiga Soomaalida ee gobolka Minnesota uu yeelanayo cawaaqib aan lagu talo-gelin uuna abuurayo qoxooti badan oo shaqo la'aan ah. Gobolka waxaa ammaan-darro ayaa ka jirta, waxayna soo jiidan kartaa taasi in xoogag ay ka qortaan qolyaha dag aallada wada," ayuu yiri Trump.

Dhanka kale, Donald Trump ayaa khudbadiisa ku sheegay in wiil Soomaaliya ka soo haajiray oo dhalashada Mareykanka qaatay uu isku dayay inuu dab qabadsiiyo geedka ay masiixiyiintu nalalka ku shidaan xilliyada dabaal-dagga diintooda.

Ugu dambeyn, Hadalka Trump ee ku aaddan Soomaalida qoxootiga ahaan ku jooga dalka Mareykanka ayaan ahayn kii ugu horreeyay, waxaase hadalkaan si adag u cambaareeyay madaxda Soomaalida dalka Mareykanka.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya