4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 5 , 2016
Canada: Isbahaysi sheegay in C/Raxmaan Cabdi geeridiisa la baajin karay

 

Jimco, Agoosto 05, 2016 (HOL)-Isbahaysiga caddaalada ee u doodaya C/Raxmaan Cabdi oo dhawaan booliska Canada ay dileen ayaa sheegay in dhibaato ka jirto booliska Ottawa gaar ahaan sida ay ula tacaamulaan qaar ka tirsan bulshada.

Isbahaysigaa ayaa rumeysan in geeridii ku timid C/Raxmaan la baajin karay ayna ahayd in la baajiyo. Waxay soo jeediyeen xubnaha guddigaasi  in guddi farsamo loo xil saaro baaritaanka dilka loo geystay ninkaa oo Soomaali ahaa.

Waxay kaloo dalbanayaan in lasoo baaro tirada badan ee rag madow ahaa oo dhimirka ka bukay kuwaasoo boolisku laayay.

Talada ayaa ka mid ahayd 10 talo bixino oo isbahaysigu soo jeediyay si wax looga qabto arinka la xiriira geerida C/Raxmaan.

Wuxuu talo bixintaa soo jeediyay guddigu mar uu shir jaraaid ku qabtay hoolka shirarka ee caasimada Ottawa.

C/Raxmaan ayaa ahaa 37 sano jir Soomaali Canadian aha kasoo dhintay bishii Luuliyo 24keedii kadib markii ay jirdileen ciidamada biliiska dalkaa.

Ayadoo haatan dad badan ay isweydiinayaan bal in midab takoor uu dilkaa saamayn kulahaa ayaa Madaxweynaha Biliiska magaaladaas, Matt Skoff uu si cad u sheegay in fikirkaasi uusan sax ahayn.

Si kastaba ha ahaatee, isbahaysigu wuxuu ku adkeysanayaa in midab takoor uu saamayn kulahaa dhimashada C/Raxmaan.

“Waxaa jira dhib; dhib weyn ayaa jira,” sidaa waxaa tiri Margaret Parsons, oo ka tirsan Ururka Caddaalada ee Afrikaanka Canadianka ah (African Canadian legal Clinic). 

"Saraakiisheena boolisku waxay u heystaan in cunsur gaar ah uu yahay dhibaato wax kaleba inta aan la gaarin.  Ka hor intii aysan ka fakarin xaalada dhimirka ee C/Raxmaan, waxay arkeen midabka maqaarkiisa ugu horeynba.”

"Waa maxay sababta qof madow markii uu ku dhibban yahay cudur dhanka dhimirka biliiskana loo yeero falcelintu ay u tahay dil? .... Jawaabtu waa waadax: Kiiska C/Raxmaan sida kuwo kaleba, sababta dhabta ah waxay ahayd cunsur."

"C/Raxmaan ayaa galay liis dheer oo ahaa rag Afrikaan ah oo Canadian ah oo dhimirka ka bukay kuwaasoo boolisku laayay." Marwo Margret Parsons ayaa aqriday liis dheer oo ka koobnaa magacyada rag madow oo dhimirka ka bukay oo boolisku laayaay.

Geeridaa ayaa dhibaatooyin iyo caro ka abuudhay bulshada Soomaalida ah ee reer Canada dhexdeeda iyo kooxaha caddaalada bulshada dhexdooda.

Baroor dhiiq ayaa marar badan la sameeyay, iyo dibadbaxyo shirarna waa la qabtay kuwaasoo lagu taageerayay qoyska C/Raxmaan.

Shirarkaa ayaa waxay ka dhaceen magaalooyin kala duwan oo kuyaala Canada. Shir la mid ah shirarkaa ayaa maanta waxaa sidoo kale lagu wadaa inuu ka dhaco garoonka Daniels Spectrum ioo kuyaalaToronto.

Baroor diiqda ayaa waxaa soo abaabulay cutubka maxaliga ah ee Nolosha Dadka Madow Qiime ayay Kufadhidaa ama Black Lives Matter chapter.

Asagoo u hadlaayay isbahaysiga ayaa Kamaal Cabdulxakiim  uu sheegay in geerida C/Raxmaan ay farriin waadax ah u dirtay muwaadiniinta kunool Ottawa, taasoo ah inaan dhibbaneyaal u noqon karno xaasidnimada booliska.

Intii shirka jaraaid uu socday ayaa isbahaysigu cambaareeyay falcelinada booliska iyo ciidamada kale ee sharciga loogu tala galay inay xoojiyaan iyo weliba siyaasiyiinta ayagoo ku eedeeyay inay aad u daneeyaan hadal bilaash ah kaasoo ay ka door bidaan inay xaalada wax ka qabtaan.

Waxay kooxdu si gaar ah farta ugu godday duqa magaalada Ottawa Jim Watson kaasoo lasoo daahay jawaabta arinkaa kusaabsan.

Duqa Ottawa fasax ayuu ku maqnaa markii C/Raxmaan la dilay mana uusan jeedin hadal loogu tala galay dadweynaha oo arinkaa la xiriira ilaa waqtigii duugta.

“Waxaa waadax ah in jawaabta duqa magaaladu ay farriin u direyso dadka madow ee kunool Ottawa taasoo ah in nafafyaalkeenu aysan qiimo u lahayn sida nafafyaalka dadka kale,” sidaana waxaa tiri Yamikani Msosa oo ka tirsan Xarunta Taageerada kadhanka ah Weerarada Galmada ee Ottawa (Sexual Assault Support Centre of Ottawa).

“Hadii duqa magaaladu uu leeyahay wax laf dhabar ah, baddalkii uu sawir ku gali lahaa tacsida C/Raxmaan, wuxuu shir xafiiskiisa kula qaadan lahaa jaaliyada Soomaalida.”

Caddeyn lasoo saaray Khamiistii shalay ahayd, duqa magaaladu wuxuu ku adkeystay inuu la xiriiray jaaliyada wuxuuna sheegay in shir la qaban doono maalin kale.

“Haatan, waxaa noo wanaagsan in aan ka war dhowrno baaritaanada SIU baddalkii aan kusoo boodi lahayn go'aan kama dambeys ah waxaana habboon inaan aad uga fakarno waxkabaddalid lagu sameeyo siyaasada. Waxaan kalsooni ku qabaa nidaamka waxaana doonayaa inay shaqadooda ayagu qabsadaan. Sida kuwo kale oo bulshada ka tirsan ayaan u filayaa inaan arko waxyaabaha kasoo baxa warbixintooda kama dambeysta ah”.

“Hada, waxaan la xiriiray hoggaamiyeyaasha diinta ee Ottawa iyo masuuliyiinta jaaliyada Soomaalida iyo ururada taageera muhaajiriinta si aan ugu marti qaado shir aana ka wada hadalno dhacdada iyo saamaynta ay ku leedahay dadkeena halkaan daggan. Kadib codsi ka yimid masuuliyiinta jaaliyada Soomaalida, shirkaa waxaa la qaban doonaa maalin kale oo mustaqbalka ah. Waxaan sugayaa afkaartooda.”

Talo-bixin

Kooxdu waxay soo jeedisay talo-bixino badan kuwaasoo ay usoo jeedisay dhammaan saddexda heer ee dawlada, booliska Ottawa iyo guddigiisa, iyo weliba hayadaha kormeerka sida SIU iyo Xafiiska Agaasimaha Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegida Booliska.

Kooxdu waxay sheegtay in ujeedka talo-bixintu tahay in si habboon wax looga qabto geerida C/Raxmaan lagana hortago dilal noocaa ah  inay dhacaan mustaqbalka.

Talo-bixinadu waxay kubilowdeen baaq loo jeediyay booliska Ottawa oo ugu baaqaya inay qirtaan in dhibi ka dhex jiro gaar ahaan sida boolisku ula tacaamulaan dadka madow gaar ahaan kuwa qaba xanuunada dhimirka.

Kooxda ayaa ku  baaqday in booliska Canada si sidii hore ka wanaagsan loogu tababaro dhanka hadalka iyo xiriirka taasoo ahayd talo-bixin ay sidoo kale soo jeedisay warbixin uu qoray garyaqaan kasoo jeeda Ontario  oo cinwaankeedu yahay  "Arin ah Geeri iyo Nolol".

Kooxda caddaalada loo doonayo kiiska C/Raxmaan ayaa jeclaan lahayd in dawladu jawaab ka bixiso hadal kasoo baxay Guddiga Xaquuqul Insaanka ee Ontario oo sheegay in  "aysan jirin habab lagula xisaabtamo booliska markii ay eex sameeyaan," sidaa darteedna ay tahay in arinkaa wax laga qabto.

Waxay sidoo kale kooxdu soo jeedisay baahida loo qabo heerar joogto ah oo gaarsiisan qeybaha kala duwan ee Canada oo dhan kuwaasoo loogu tala galay ku tababarida booliska la tacaamulka dadka qaba xanuunada dhimirka, sidii lagu xusay warbixintii 2013 ee Xarunta ka hortagga Balwada iyo arimaha Caafimaadka Dhimirka.

Waxay codsadeen in askartii biliis ah ee dad dila ama dhaawaca maamulku uusan u ogolaan inay la tacaamulaan oo dhexgalaan bulshada ilaa baaritaan lagu sameeyo falalka ay ku kaceen lana soo afjaro baaritaanka falalka ay geysteen la xiriira.

Hayada SIU ee kamasuulka ah soo baaritaanka geerida waa inay shaaciso warbixinadeeda ilaa hayada qudheeda dib u eegid lagu sameeyo lana hufo si ay u bixiso guddi kormeero oo hufan, wax ku ool ah oo madax bannaan.

Kamaal Cabdixakiim oo ah af hayeenka kooxda ayaa tilmaamay in SIU lagu yaqaano inay shaqaaleysiiso askartii hore ee booliska.

"Aad ayay u naxariis badan yihiin warbixinadoodana lama shaaciyo. Sida aanu ka aragnay talo-bixinadooda, waxaa loo baahan yahay inay aad u xoogganaadaan, ay u hufnaadaan, wax ku ool u ahaadaan isla markaana ay lahaadaan hab lagu baaro askarta booliska ah ee dad dila ama dhaawac u geysta dad rayid ah."

Kooxdu waxay jeclaan lahayd inay aragto in boolisku qaataan kaamirooyin gawaaridoodana ay kaamirooyin ku xiraan.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]