4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 4 , 2016
SAWIRRO: Saraakiisha Ciidanka XDS iyo kuwa AMISOM oo ka Shiray Hawl-gallada Al-shabaab

Khamiis, August 04, 2016 (HOL) — Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa maanta Muqdisho ku yeeshay kulan xasaasi ah oo looga hadlay dib u billaabida Hawl-gallada ka dhan ah Al-shabaab, kaas oo si wadajir ah looga fulinayo deegaanada Al-shabaab ay kaga sugan tahay Gobollada Soomaaliya.

Kulankan, ayaa waxaa Wadajir u guddoominayay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jen. Maxamed Aadan Axmed iyo Taliyaha guud ee hawl-galka AMISOM Jen. Cismaan Nuur Subagle. waxaana goobjoog ka ahaa kulanka saraakiil ka kala socotay Dalalka Saaxiibbada la ah Somalia ee tababarka iyo qalabeynta ka taageerada ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, Jen. Maxamed Aadan Axmed oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ciidanka Xoogga dalka ay Hoggaaminayaan howgalka cusub ee dhanka ka ah Al-shabaab, ayna diyaar u yihiin sidii ay deegaannada ay ku harsan yihiin uga saari lahaayeen.

"Shirkaani waa midkii u horreeyay oo taliyeyaasha millateriga Somalia iyo kuwa AMISOM ay isugu yimaadaan kuna qorsheynayaan Hanaanka Dagaalka cusub ee ka dhanka Al-shabaab, kaasoo dhawaan billaaban doona, ciidamada xoogga dalka ayaana diyaar u ah inay horkacaan hawl-galkan cusub," ayuu yiri Jen. Maxamed Aadan. isagoo ku boorriyay Saraakiisha Dowladda saaxiibka la ah Soomaaliya inay xoojiyaan dib u dhiska Ciidanka Xooga Somalia, si ay Amniga dalka u hantaan marka la gaaro xilliga bixitaanka Ciidanka AMISOM.

Dhanka kale, Taliyaha Guud ee Hawl-galka AMISOM, Jen. Cismaan Nuur Subagle, ayaa isna sheegay in dagaalka Al-shabaab uu yahay Mid ku-dhufo-oo-ka-dhaqaaq ah, isla markaana aysan lahayn Awood ay isaga caabin karaan Ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM.

"AMISOM diyaar ayay u tahay dar-dar-gelinta hawl-galka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Awooda ciidamada is-bahaysanaya uma baabac-dhigi karaan, Waxaana Rajeynayaa in shacabka Soomaaliyeed ay dhawaan maqli doonaan warbixin ay ku farxaan," ayuu yiri Jen. Cismaan Subagle.

Ugu dambeyn, Taliyaha Cusub ee AMISOM oo u dhashay Dalka Jabuuti, ayaa dhawaan la Wareegay xilka , waana markii ugu horeysay oo ay ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah AMISOM qabtaan xilkan.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya