4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 4 , 2016
Wasiirka Difaaca oo tababar ugu soo xiray Caabudwaaq ciidan ka tirsan qaybta NISA ee Galmudug


Khamiis, August 04, 2016 (HOL) — Wasiirka Gaashaandhigga Somalia, Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini oo ay weheliaan Taliyaha Nabad-sugidda Maamulka Galmudug, Saadaq Cumar Xasan, kan Booliska Galmudug Axmed Maxamed Raage iyo saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga Qaybta 21-aad ayaa maanta tababar socday saddex bilood u soo xiray ciidamo gaaraya 114 oo ka tirsan qaybta NISA ee Maamulka Galmudug.

Taliyaha ciidanka NISA ee maamul-goboleedka Galmudug Saadaq Cumar oo kusoo dhaweeyay wasiirka xerada Tababarka loogu soo xirayay Ciidamadan ayaa sheegay inay u tahay fursad ka qayb-galka xiritaanka tababarka uu ka soo qayb-galay wasiirka gaashaandhigga Somalia, Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini.

Dhanka kale, Wasiir Diini ayaa munaasabadda lagu soo xirayay tababarka ka jeediyay khadubad isugu jirtay dhiirri-gelin iyo hawsha laga doonayo ciidanka inay qabtaan, isagoo kula dardaarmay gudashada waajibaadkooda.

Ugu dambeyn, Ciidamadan ayaa noqonaya qaybtii ugu horraysan ee NISA ee loo abuuray sugidda iyo ka shaqaynta Ammaanka Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galguduud.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya