4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 4 , 2016
Kenya: Arinka Somaliland oo dood kulul dhaliyay

Khamiis, Agoosto 04, 2016 (HOL)-Dawlada Soomaaliya ayaa cambaareeysay hoggaamiyaha isbaheysiga mucaaradka ah ee CORD ee Kenya, Raila Odinga inuu dhawaan usoo jeediyay beesha caalamka inay aqoonsato Somaliland darteed.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Jamaal Xassan ayaa kutilmaamay hadalka kasoo yeeray Raila inuu yahay mid aysan masuuliyadi ku dheehneyn. Wuxuu sheegay safiirku in hadalkaasi wax u dhimaayo midnimada dalka Soomaaliya.

'Hadal dhadhan xun ayuu ahaa'.  Sidaa ayuu safiirku yiri. 'Siyaasada Soomaaliya waa in loo daayo Soomaalida'. Intaa ayuu safiirku ku daray.

Barta Twitter wuxuu sidoo kale safiirku ku qoray in wadajirka Soomaaliya uu yahay wax aan lagu xadgudbi karin.

Arinka muranka dhaliyay ayaa Raila uu ka dhawaajiyay Jimcihii mar uu khudbad ka jeedinaayay Chatham House, London carriga Ingiriiska asagoo sheegay in loo baahan yahay in aqoonsi buuxa la siiyo Somaliland.

Somaliland ayaa gooni isu taagtay sanadkii 1991 wax yar kadib markii la riday dawladii dhexe ee Soomaaliya balse laga soo bilaabo waqtigaa ma aysan helin aqoonsi caalami ah oo muujinaya inay tahay dal gaar ka ah Soomaaliya inteeda kale.