4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 4 , 2016
Sawirro: Xoghayeyaasha Baarlamaanada Afrika oo Kulan ku yeeshay Magaalada Johannesburg

Khamiis, August 04, 2016 (HOL) — Shirkaan oo ay kasoo Qayb-galeen inta badan Xog-hayeyaasha Baarlamaanada Afrika, ayaa waxaa Soomaaliya ku matalayay xoghayaha guud ee Baarlamaanka FS, C/kariim Xaaji Cabdi Buux, shirka ayay muhiimadiisa aheyd in xoghayayaashu ay qayb ka ahaadaan Heshiisyada Dalalka Afrika ee dhawaan ogolaaday inay hal baasaboor yeeshaan iyo inay Xuduudaha intooda badan isku furaan.

Xoghayaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, C/kariim Buux oo Shirkaan ka Qayb-galay, ayaa sheegay in shirkaan ay Somalia kaga qayb-qaadanayso sidii ay u dhaqan-gelin laheyd heshiisyada iyo Sharciyada guud ee Midowga Afrika uu qalinka ku duugay.

Shirka Baarlamaanka Afrika oo Toddobaadkan ka furmay Johannesburg oo ay siyaabo gaar-gaar ah u shirayeen Gudiyadiisa, ayaa waxaa ka mid ahaa Ajandayaasha looga hadlayay joojinta Musuqmaasuqa ee Afrika Ragaadiyay, iyadoo uu Kulankaan socday labada maalmood, la isku dhaafsaday sida dalalka Afrika ay Qaarkood ugu Dadaalayaan in ay Joojiyaan Musuq-maasuqa ama ay u yareyn lahaayeen.

Xildhibaan Cabdow Sakiye oo ka socday Wadanka Jabuuti kana qayb-galayay shirkan looga hadlayay joojinta Musuq-maasuqa Afrika, ayaa sheegay inay habboon tahay in Afrika ay isku tashato oo ay bad-baadiso xoolaha shacabka si shaqo la'aanta iyo gaajada looga gudbo.

Wuxuu Xildhibaanku intaas ku daray, in ka Jabuuti ahaan ay ku dadaaleen sidii ay u yareyn lahaayeen Musuq-maasuqa, ayna u xil-saareen ka Hor-taggiisa Hay'addo iyo gudiyo Daba-gal ku sameeya Ciddii lagu arkana Sharciga lala tiigsado.

Ugu dambeyn, Shirka Baarlamaanka Afrika oo Sannadkiiba Afar jeer la qabto ayaa waxaa mid ka mid ah Kulamadaas ka Qayb-galay Gudoomiyayaasha iyo Xog-hayeyaasha Baarlamaanada Xubnaha ka ah PAN AFRICAN, iyadoo la isku weydaarsado fikrado iyo heshiisyada ay galaan Waddamada ka Qayb-galaya shirkan.

Mahad Maxamed Sheikh (Istiila)
E-mail: [email protected]
Johannesburg, Koonfur Afrika