4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 4 , 2016
Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo xirtay Shirkii Sharciga Dhismaha Jidadka (SAWIRRO)

Khamiis, August 04, 2016 (HOL) — Kulan Wada-tashi ahaa oo looga hadlayay Sharciga Dhismaha Waddooyinka & Buundooyinka dalka, ayna soo diyaarisay Wasaarada Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya ayaa lagu soo gaba-gabeeyay maanta xarunta wasaarada hawlaha guud ee Muqdisho.

Shirkaan oo socday muddo saddex casho ah, ayaa waxaa ka qayb-galayay Wasiirrada Wasaaradaha hawlaha guud ee Maamul-goboleedyada Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur-galbeed iyo Xubno ka socday Banaadir, Sh/Dhexe iyo Hiiraan, sidoo kale Kulankaan Waxaa joogay Agaasimayaasha, La-taliyaasha, Injineerrada iyo Hawl-wadeennada Wasaaradda Howlaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Somalia, Inj. Saalax Sh. Cismaan Muuse oo ka hadlay gunaanadkii kulanka ayaa sheegay in sharcigan uu sahalyo dhismaha Waddooyinka iyo Buun-dooyinka, wuxuuna si gaar ah ugu mahad-celiyay intii isku soo duba-ridday Sharcigaas iyo Hay'adiihii fududeeyay taabo-gelintiisa.

Inj. Saalax ayaa ku nuux-nuuxsaday in Hadafka Wasaaraddiisu uu yahay sidii dhismayaasha dalka loo wanaajin lahaa, isagoo xusay in horumarinta jidadka iyo buundooyinka dalka ay fududeyneyso sidii dalka uu u gaari lahaa horumar la taaban karo, wuxuuna ku celiyay in Wasaarada Hawlaha Guud ay la socon doonto dhismayaasha dalka iyo hagaajinta waddooyinka.

Dhanka kale, Wasaaradda hawlaha guud oo soo agaasintay kulankaan Aqoon is-weydaarsigaasi ahaa, ayaa dhawaan ku guuleysatey dhismaha xarunteedii Muqdisho, iyadoo ay xaruntaas ka mid ahayd goobihii ku burburtey colaadihii dalka soo maray.

Xafladii lagu soo Gunaanaday kulankan waxaa iyana ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir, C/casiis, Wasiir ku xigeenka xigeennada Maamul-goboledyada Jubbaland, Koonfur-galbeed iyo Galmudug, kuwaasoo oo soo dhaweeeyay Kulankaan looga lafa-guray sharciga Waddooyinka iyo Buudooyinka Somalia, waxayna ballan-qaadeen meel-marinta go’aanada shirka kasoo baxay.

Ugu dambeyntii, Waxaana kulanka laga soo saarey war-murtiyeed ka kooban 7-qodob oo ku saabsan sharciga waddooyinka, iyadoo intii ay Munaasabaddu socotay ay Heeso Qiiro leh kusoo Bandhigeen fannaaniinta Kooxda SHAMBAL.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya