4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 4 , 2016
SAWIRO: Ururka Dhalinyarada Gobolka Hiiraan oo Deeq-lacageed u Qaybiyay Dad Curyaamiin ah


Khamiis, August 04, 2016 (HOL) — Deeq lacageed oo ka timid jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Mareykanka, islamarkaana loo soo Wakiishay Ururka Dhalinyarrada Gobolka Hiiraan, ayaa loo qeybiyay ama la gaarsiiyay dad cuuryaamiin ah oo tiradoodu gaareyso 60 qoys.

Dadkaan oo marka laga soo tago inuusan dhammeyn, Dhinaca kale ay la soo darseen daruufo adag oo dhinaca nolasha ah ayaa laga soo kala xullay xaafaddaha ay ka kooban tahay magaalada.

Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada Gobolka Hiiraan Maxamed C/llaahi 'Raaxeeye ayaa uga mahad-celiyay deeqdan jaaliyada soo dhiibtay ,gaar ahaan C/raxmaan C/llaahi Ugaas, Baduuro Saciid Taabid iyo Ruqiyo Xusseen Xaanshi oo wakiil ka ahaa jaaliyada lacagta soo dhiibtay.

Dadkii dan-yarta ahaa ee Deeqdan lacageed hellay ayaa dhinacooda ka mahad celiyay, iyagoo sheegay inaysan aheyn dad shaqeysan kara, madaama uusan lixaadkoodu dhameyn.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya