4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 4 , 2016
Kenya: Booliska oo ka hor tagay weerar kuwajahnaa xero biliisku leeyahay

Khamiis, Agoosto 04, 2016 (HOL)-Ciidamada biliiska Kenya ayaa fashiliyay weerar ku wajahnaa xero boolis saaka ayagoo soo qabtay hub.

Ciidamada booliska ayaa soo qabtay qori AK ah iyo 178 xabbadood hawl gal lagu soo qabanaayay nin booliska horay uga tirsanaa oo ay tuhmeen inuu Al-Shabaab ku biiray, sida boolisku sheegay.

Ninkaa ayaa lagu magacaabaa Eric Ngethe kaasoo la sheegay inuu biliiska Kenya ka goostay sanadkii 2014.

Askarigaa booliska ah ee hore ayaa la sheegay inuu aad u tababaran yahay. Waxaa sidoo kale wararka barta HOL ay heshay ay sheegayaan inuu qorsheynayay ninkaasi inuu weeraro xero boolis oo kutaala magaalada Ruiru oo saaran wadada laamiga ah ee Thika Highway.

Si kastaba ha ahaatee ninkaa in lasoo xiro uma aysan suurta galin ciidamada booliska ayagoo sheegay inuu baxsaday asagoon wax hub ah sidan.

Kenya ayaa waxaa soo food saartay cabsi iyo weeraro is xigxigay tan iyo sanadkii 2011 markii ciidamada Kenya ee KDF loo diray gudaha Soomaaliya si ay Al-Shabaab ula dagaalamaan.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]
Magaalada Nairobi, Kenya.