4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 4 , 2016
Safiir Hore: Iskoolada FETO oo ku ah Afrika Khatar

Safiir Hore, Cemalettin Kani Torun /Xaquuqda Masawirka/Anadolu News Agency


Khamiis, Agoosto 04, 2016 (HOL)-Safiirkii hore ee Turkiga u fadhin jiray Soomaaliya ayaa sheegay in iskoolada FETO ay khatar ama halis ku yihiin Afrika.

Safiir Hore, Cemalettin Kani Torun ayaa sheegay in loo baahan yahay in dawladaha Afrika ay xiraan iskoolada uu maamulo ururka FETO (Fethullah Terror Organization).

Safiir Hore, Cemalettin Kani Torun ayaa haatan ka tirsan xisbiga talada haya ee Turkiga ee AK ee Caddaalada iyo Horumarka kaas oo uu weliba u yahay gudddoomiye ku-xigeen.

Cemalettin Kani Torun ayaa sheegay in FETO uu ka dhisay iskoolo, dhaqaale xooggan iyo ajende siyaasadeed gudaha qaarada Afrika. 'Ma bixiyaan deeq gargaar ah mana baahiyaan waxbarasho diineed'. Cemalettin Kani Torun ayaa sidaa yiri.

Cemalettin Kani Torun ayaa ku baaqay in iskooladii FETO maamuli jiray ee lala xiriirshay afgambigii Luuliyo 15keedii laisku dayay ee gudaha dalka Turkiga la hoos geeyo hayadaha maamulka iyo waxbarashada ee daakhiliga ah meelaha ay kuyaalaan qaarada oo idil, waa hadii ay macquul tahay.

Dawlada Turkiga ayaa sheegtay in afgambiga la isku dayay kaasoo ay ku dhinteen 238 qof ugu yaraan ayna ku dhaawacmeen kudhawaad 2200 oo qof uu ka dambeeyay FETO, iskoolada uu ururkaasi maamulo iyo wadaadka ururkaa ee Fethullah Gulen oo masaafuris asagu kujooga Mareykanka.

Turkigu wuxuu sidoo kale sheegay in reer Galbeedku ay taageereen afgambigaa dhicisoobay isla markaana ay bara taaraan Gulen.

'Turkigu waa dal xiriir wanaagsan la leh Afrika. Turkigu wuxuu ganacsi iyo horumarin ka wadaa Afrika'. Cemalettin Kani Torun ayaa sidaa yiri.

'Dawladaha Afrika halis uma galinayaan xiriirada wanaagsan ee ay la leeyihiin Turkiga FETO dartii', intaana waa uu raaciyay.

'Xataa Ghana oo dadka kudhawaad kala bar ay Muslimiin yihiin, FETO dano diimeed kuma lahan'. Cemalettin Kani Torun ayaa sidaa yiri sidoo kale.

Soomaaliya ayaa durba laga ceyriyay canaasiirta FETO, Cemalettin Kani Torun-na wuu xaqiijiyay arinkaa.

16kii bishii Luuliyo ayaa dawlada Soomaaliya ay shaaca ka qaaday inay xireyso iskool lala xiriirshay FETO kadib markii codsi sidaa in la sameeyo ah uu uga yimid dawlada Turkiga.

Cemalettin Kani Torun ayaa sheegay in madaxweynaha Turkiga Raccep Tayyip  Erdogan qudhiisu uu ka codsaday dawladaha Afrika in ay tillaabooyin ka qaadaan macaahiida FETO ee Afrika kuyaala, waa dhawaan markii Erdogan uu booqasho ku yimid qaarada Afrika.

'FETO iskuladiisa waxay khatar ka abuurayaan dalalkaa'. Cemalettin Kani Torun ayaa sidaa yiri.

Gulen yaa waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu wado olole ballaaran oo uu damacsan yahay inuu ku afgambiyo dawlada Turkiga ee Erdogan asagoo adeegsanaya hayadaha dawliga ah gaar ahaan militariga, booliska iyo laanta garsoorka asagoo samaynaya waxa loo yaqaao DAWLAD FEER OROD AH 'PARALLEL STATE'.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]