4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 4 , 2016
Kooxda Islaamiga ah ee Boko Haram oo yeelatay Hoggaamiye cusub oo ku Goodiyay Dagaallo


Khamiis, August 04, 2016 (HOL) — Kooxda ka dagaalanta Nigeria ee Boko Haram, taasoo sannadkii hore ku biirtay Dowladda Islaamiga ah ee ISIS ayaa loo magacaabay Hoggaamiye cusub oo bedelaya hoggaamiyahoodii hore.

Wargeyska Al-Nabaa oo ku hadla Afka Kooxda ISIS ayaa lagu xaqiijiyay in Abuu-Muscab Al-Barnaawi uu yahay Hoggaamiyaha ISIS ee galbeedka Afrika, isagoo loogu yeeray Amiirka Cusub.

Abuu-Muscab Al-Barnaawi ayaa horay u ahaa Afhayeenka Boko Haram, balse lama oga halka uu ku dambeeyo Hoggaamiyihii hore ee Boko Haram Sheekh Abubakar Shekau.

Madaxan cusub oo aan wajigiisa la arkin ayaa ballan-qaaday inuu sii wadayo dagaalka ka dhanka ah Xukuumadda Nigeria iyo Waddamada Galbeedka ku yaalla.

Sheekh Abubakar Shekau ayaa lagu arkin muuqaal wixii ka dambeeyay markii bishii Jannaayo Boko Haram ku biirtay ururka ISIS, iyadoo horay loo sheegay in lagu dilay dagaallo ka dhacay Nigeria.

Kooxda Boko Haram ayaa bilihii lasoo dhaafay waxay lumisay Magaalooyin dhawr ah oo ku yaalla Waqooyi-bari Nigeria, Waxaana Ciidamada Millaeteriga Nigeria ku guuleysteen inay ka saaraan Magaalooyin Muhiim ah

Ugu dambeyn, Boko Haram ayaa ka mas’uul ahayd Weerar Kumannaan ruux ku dhinteen oo Sannadihii lasoo dhaafay ka dhacayay dalka Nigeria & Dalalka dariska la ah.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya