4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 4 , 2016
Hoggaamiyaha Mucaaradka Dalka Koonfurta Suudaan Riek Machar oo ka Digay Colaado Sokeeye


Khamiis, August 04, 2016 (HOL) — Afhayeen u hadlay Siyaasiga Dalka Koonfurta Sudan u dhashay ee Riek Machar, ayaa ka digay in dalkaasi uu dib ugu laaban karo dagaalkii sokeeye haddii aanay soo faragelin Midowga Afrika.

Mabior Garang de Mabior, ayaa sheegay in ciidanka daacadda u ah Machar ay diyaar u yihiin in dagaal ku qaadaan caasimadda Juba, waa haddii aanay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ansixin qaraar u ogolaanaya Midowga Afrika in ay ciidan dalkaasi geeyaan.

Mabior oo ka mid ahaa wasiirro uu xilka ka qaaday madaxweyne Salva Kiir ayaa sheegay in ay weli jirto rajo dib loogu soo nooleyn karo heshiiskii nabadeed.

Waxa uu sheegay in ururka mucaaradka ah ee SPLM uu awood u leeyahay in uu qabsado caasimadda Juba, balse ay fursad siinayaan in ay arrinta soo farageliyaan Igad, Midowga Afrika, Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, si ay xal ugu helaan xaaladda taagan.

Ma jirto cid si madax bannaan u xaqiijisay inta uu tiro ahaan la egyahay ciidanka taabacsan Riek Machar.

Xigasho; BBC Somali

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya