4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 4 , 2016
Dadaalo la wado oo u saamixi kara Musaveni inuu waligii Uganda ka taliyo

Khamiis, Agoosto 04, 2016 (HOL)-Mas'uuliyiin ka tirsan xisbiga talada haya ee Uganda ayaa doonaya in dastuurka dalkaa laga saaro xadidaada da'da madaxweynaha.

Arinkaa ayaa hadii ay ku guuleystaan waxay u saamaxi kareysaa madaxweynaha dalkaa Yueri Kaguta Musaveni inuu mar kale jagada madaxweynenimo isu soo sharraxo ama waligii uu dalkaa ka taliyo inta uu nool yahay.

Galinkii dambe ee shalay ayaa af hayeen u hadlay xisbiga Yueri Musaveni wuxuu sheegay in dadaalkaa ay wadaan xubnaha sare ee xisbiga talada arinkaana lagu doonayo in madaxweynaha lagu awood siiyo si uu mar kale jagada madaxweynenimo isugu soo sharraxo.

Musaveni ayaa madaxweyne dalkaa ka noqday sanadkii 1986 kadib markii jabhad uu hoggaamin jiray ay af gambiday dawladii xilligaa dalkaa ka jidhay.

Marar badan ayaa dib loo soo doortay ayadoo markii ugu dambeysay dib loo soo doortay bishii Febraayo ee sanadkaan. Hada ayaa waqtigiisa xafiisku uu ku eg yahay 2021.   

Sanadkaan daba yaaqadiisa ayaa Musaveni wuxuu noqonayaa 72 sano jir taasoo intaa ka badan sharciga dalkaa uu haatan hadii aan wax laga baddalin uusan u saamaxayn inuu mar kale xilkaa isu soo sharraxo.

Afhayeenka madaxweynaha Don Wanyama ayaa shalay sheegay in saraakiil ka tirsan xisbiga Musaveni ee talada haya ay haatan ku hawlan yihiin sidii xaddidaada da'da meesha looga saari lahaa.

Sidoo kale ayaa waxaa hubaal ah in wax kasta oo go'aan ah oo u roon Musaveni baarlamaanka lagu ogolaan karo maadaama kuraasta ugu badan xisbigiisu uu baarlamaanka ku leeyahay.

Sanadkii 2005, sharci yaqaano ayaa dalbaday in xaddidaadaa laga saaro dastuurka maadaama Musaveni dadka dalkiisu ay jecel yihiin sidaa darteedna loo baahan yahay inuu jagadaa mar kale isu soo sharraxo.

Si kastaba, dhowr mar oo dib loo soo doortay Musaveni ayaa mucaaradku ka keenay doodo ayagoo sheegay in doorashooyinka wax laiska daba mariyay oo la musuqay.

Sidoo kale ayaa mucaaradku waxay walaac ka muujiyeen oo sheegeen in la handado loona caga jugleeyo.

'Waxaan la filayn in Musaveni uu diido qorshaha noocaa ah ee asaga uroon', sidaa waxaa yiri Nicholas Sengoba oo ah nin qaadaa dhiga arimaha siyaasada oo reer Uganda ah.

Markii madaxweynaha uu noqday ayaa Musaveni sheegay inuu yaso madaxweyneyaasha Afrika ee xukunka isku dhajiya. Laakiin hada ayaa dad badan oo caalamka kunool ay u arkeen wixii uu waagaa yasi jiray nin haatan asagu ku soo caan baxay!

Waxaase muuqata inuusan asaga dhag jalaq usiineyn eedeyntaa asagoo sheega had iyo jeer in dadkiisu la rabaan xukunka inuu sii hayo si waxyaabo uusan weli u qaban uu mustaqbalka ugu qabto.

Musaveni ayaa reer Galbeedka iyo Mareykanka xulafo la ah waxayna isku bahaystaan la dagaalanka kooxda Al-Shabaab ee fadhigeedu yahay Soomaaliya.

Soomaalida ayaa sidoo kale sheega in beesha uu kasoo jeedo Musaveni ay Soomaalida wax isu galeen isla markaana sidaa darteed uu u roon yahay asagu Soomaalida.

Mar la weydiiyay asaga wixii Soomaalida uu u qabtay ayuu sheegay in Soomaaliya uu ciidamo nabad ilaalin ah u diray, uu tagay Xamar oo xabaddu ka dhacayso sagaashameeyadii halkaa oo uu u tagay waanwaan nabadeed iyo inuu u ogolaaday Soomaalida inay dalkiisa aad uga shaqeystaan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Soomaalidu ay jecel yihiin inay habeynkii safraan gaar ahaan darawalada Soomaalida ah ee gawaarida xamuulka ah wada sidaa daraadeedna uu u ogolaaday inay habeynkii oo dhan guureeyaan!

Soomaali badan ayaa kunool dalkaa Uganda oo u jooga qaarba siyaabo kala duwan. Qaar waa ganacsato u badan magaalooyinka gaar ahaan Kampala weliba xaafada Kisenyi halka qaar ay dagaanaanshiyo joogto ah ku heystaan dalkaa halka qaarna ay qaxooti ku yihiin meelo kala duwan oo dalkaa ah gaar ahaan xerada qaxootiga ee Niki Valley.


Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]