4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 4 , 2016
Qof Mindi Lagu Dilay London Xalay; Dhowr Kale oo Dhaawac ah

Khamiis, Agoosto 04, 2016 (HOL)-Haweeney ayaa waxaa lagu dilay mindi faras magaalaha London ee dalka Britain, shan qof oo kalena waa la dhaawacay.

Weerarkaa ayaa waxaa geystay nin ku hubeysnaa mindi weerarkaasoo biliisku la xiriirshay argagixisonimo.

Biliiska ayaa sheegay in loogu yeeray inay wax ka qabtaan arinkaa wax yar ka hor xalay saqdii dhexe kadib markii ninkaasi dhowr qof ku dhaawacay agagaarka halka loo yaqaano Russell Square ee magaaladaasi London.

'Argagixisonimo waa hal arin oo ay macquul tahay in arinkaani la xiriiro'. Caddeyn biliisku soo saaray ayaa sidaa sheegtay.

Haweeneyda dhimatay ayaa ku go'day isbitaalka ayadoo u dhimatay mar dambe dhawaacyo ninkaasi u geystay.

Weerarada aan la garanayn cidda sida dhabta uga dambeysa ayaa kusoo badanaya caalamka ayadoon la garanayn ujeedkooda gaarka ah.

Hase ahaatee, waxaa soo badanaya dadka sida bareerka ah dadka u toogta. Waxaa kaloo soo batay qaraxyada iyo dadka oo midiyo iyo faasas iyo waxyaabo kale lagu weeraro daafaha caalamka oo dhan.

London maahan markii ugu horeysay oo weerar noocaan ah uu ka dhaco. Sanadkii 2013, qeyb ka mid ah xaafadaha London labo nin ayaa ku gowracay nin halkaa maraayay.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]