4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 4 , 2016
Xildhbaan Axmed Xuseen oo u ololeynayo sidii dowladda Kanada ay kaalmo ugu fidin lahayd dalka Soomaaliya


Toronto, August 4, 2016 (HOL) - Kulan ay si wadjir ah u soo qabanqaabiyeen Mudane Axmed Xuseen oo xubin ka ah baarlamaanka dalka Kanada iyo  Wasiiradda Horumarinta Caalimga (International Development) ee dalka Kanada Karina Gould ee ayaa lagu qabtay xaafadda laga soo doorto xildhibaan Axmed Xuseen ee York South—Weston, Toronto.

Kulankaan oo dhacay maalintii Isniintii ee bishan August 1deedii ayaa ujeedadiisu ahayd in dalka Soomaaliya lagu daro dalalka ay dowladda Kanada siisyo kaalmada.

Wasiiradda Horumarinta Caalamiga Xildhibaan Karina Gould ayaa wadda qorshe lagu soo koobayo 20 dal oo Kaliyah dalalka Kanada ay siiso kaalmada

Xildhibaan Axmed Xusseen oo ah Soomaaligii ugu horreeyey ee xuban ka noqda baarlmaanka Kanada ayaa wada olole uu ku doonayo in dalka Soomaaliya lagu daro labaatanka (20) waddan ee la qorsheynayo in kaalmadaas lagu soo kooobo.

Dalka Kanada ayaa sannad waliba bixiya kaalmo ka badan $800 Milyan, dhaqaalahaas oo badanaaba lagu bixiyo howlaha la xiriira daryeelka caafimaadka iyo la dagaalanka gaajada.

Soomaalida ku nool dalka Kanada oo lagu qayaasay in ka badan 200, 000 ayaa waxay badankoodu deggen yihiin magaalada Toronto. Soomaalida dalkan Kanada ayaa waxay mar waliba ku dhaliili jiriin in dowladda Kanada ka gaabisay kaalmeynta dalka Soomaaliya oo ay dhibaatooyin bani'aadanimo ka jirtay 25kii sanno ee la soo dhaafay.