4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 3 , 2016
UGAAS XASAN: Hiiraan Aqalka Sare SIDDEED xubnood wax ka yar kuma yeelan karo (DAAWO)

Arbaco, August 03, 2016 (HOL) — Xili maanta magaalada Muqdisho uu ka furmay shirka madasha wadda tashiga ee hogaamiyayaasha dalka, ayaa dhinaca kale shir jaraa'id oo ay ku qabteen magaalada Beledweyne duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan waxaa ay mar kale ku celiyeen in la ilaaliyo saamiga awood -qeybsiga dalka.

Ugaas Xassan Ugaas Khaliif Ugaas oo shirka jaraa'id ka hadlay ayaa ku war-galiyay madasha wada-tashiga iyo beesha caalamka intaba in gobolka Hiiraan aqbali doonin xubnaha la sheegay inuu ku yeellanayo aqalka sare oo loo qoondeeyay labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe min afar xubnood.''Hiiraan ma jirto cid ku mataleysa shirka wada-tashiga doorashada, sidaas daraadeed waxaan rabnaa in aan u sheegno Hoggaamiyayaasha ku shirsan Muqdisho inaan lagu Xad-gudbin Xaquuqda Gobolku leeyahay, beesha caalamka, UNka iyo aduun-weynaha intiisa kale waxaan waa in ay ogaadaan in gobolka Hiiraan wax ka yar sideed xubnood ka qaadan doonin aqalka sare ee dalka'' ayuu yiri Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo intaa ku darray haddii taa la waayo in ay isku tashan doonaan.

Dhinaca kale, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa uga digay Dowladda Federaalka in Xildhibaannada baarlamaanka federaalka uga mid noqonaya gobolka Hiiraan lagu soo xulo magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya