4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 3 , 2016
Maamulka Hiiraan oo xiray Milkiilayaasha Baar ay Shir jaraa'id ku Qabteen Duubabka-dhaqanka


Arbaco, August 03, 2016 (HOL) — Maamulka gobolka Hiiraan ayaa Maanta Duhurkii xabsiga dhigay Milkiilayaashii Baar Xasan Dhiif oo ka mid ah Baararka uga Caansan Magaalada Beledweyne, kaddib shir jaraa'id oo ay ku qabteen maanta Duubabka-dhaqanka gobolka Hiiraan.

Saciid Cabdi Max'uud iyo C/siis Cilmi Xiiray oo ah ganacsatada la xiray oo goor dhaw la soo xiriiray HOL ayaa sheegay in ciidammadii booliiska ee soo xiray u sheegeen in amarka lagu xirayo uu bixiyay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar.

''Annaga arintan waxaa u heysanaa mid xadgudub ku ah dastuurka dowladda federaalka qodobkiisa 20 aad farqadiisa 1/2 oo dhigaya in qofka si xor ah u ganacsan karo, islamarkaana dadka xaq u leeyihiin in ay afgaarto si nabad-galyo ah ku cabiri karaan, waxa kaliya ee nalagu soo xiray wax kale ma'aha ee waa shirkii jaraa'id ee goobteena ganacsi maanta ay ku qabteen duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan'' ayuu yiri Saciid Cabdi Max'uud

C/siis Cilmi Xiireey ayaa dhinaciisa sheegay in ilaa iyo hadda aysan ogeyn sababta ay u xiran yihiin.

''Ma garran karno sababta aan ku xirnahay kaliya waxaan aragnaa in nalagu xadgudbay, ayuu sheegay HOL.

Dhacdadan oo siweyn looga hadal hayo magaalada ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee nooceeda ah, lamana garanayo in ganacsatadan xabsiga lagu sii heyn doono iyo in kale.

Hiiraan Online, News Desk