4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 3 , 2016
Shirka Madasha Doorashooyinka Dalka ee 2016-ka oo si rasmi ah uga furmay Muqdisho (Sawiro)


Arbaco, August 03, 2016 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka furmay shirka wada-tashiga Qaran ee doorashooyinka, kaasoo ah mdkii u dambeeyay ee Hogaamiyeyaasha Soomaalidu ay ka yeeshaan Doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo Sannadkan lagu jiro ee 2016-ka.

Shirkan ayaa waxaa furmay madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh, iyadoo ay ka qayb-galayaan Hoggaamiyeyaasha Maamul-goboleedyada dalka ka jira iyo Xubno ka socda Beesha Calaamka.

Kulankan ayaa ah mid lagu dhameystirayo Qodobadii ka dhimanaa Hanaanka doorashooyinka Somalia, iyadoo shirkan oo socon doona muddo laba casho ah ay madaxdu go'aan mideysan ka gaari doonaan xilliga doorashada 2016-ka ay dhacayso.

Furitaankii shirka ayaa waxaa warbixin looga dhageystay Guddiga farsamada ee heer Qaran, iyadoo waxyaabaha ugu muhiimsan ee looga arrinsanayo ay ka mid yihiin; Dhameystirka gudiyada heer maamul goboleed ee doorashada.

Wasiir-u-dowlaha madaxtooyada Soomaaliya, Mahad Maxamed Salaad oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kulankaani soconayo labo maalmood, isla markaana looga hadli doono Arrimaha dhameystirka Doorashooyinka dalka ee Sannadkan 2016-ka.

"Shirkii Madasha ee looga Tashanayay dhameystirka arrimaha Doorashada sannadkan 2016-ka ayaa maanta furmay, iyadoo laga dhageystay warbixin guddiga farsamada heer Qaran, Qodobbada muhiimka ee hor-yaala madasha waxaa ka mid ah; In la dhameystiro Guddiyadii Heer Maamul goboleed ee Doorashada ka dhimannaa. In la dhameystiro guddiga khilaafaadka," ayuu yiri Wasiir-u-dowlaha Madaxtooyada Somalia.

Dhanka kale, Wuxuu sheegay in looga hadlayo labada maalin ee uu soconayo shirka doorka dumarku ay ku yeelanayaan baarlamanka la filayo in dhawaan lasoo dhisayo iyo waliba kan Aqalka Sare.

Ugu dambeyn, Mahad Salaad ayaa sheegay in gaba-gabada shirka lagu soo gudbin doono xilliga rasmiga ah ee ee doorashadu dhacayso iyo weliba xilliga ay dhamaanays.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya