4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 3 , 2016
SAWIRRO: Tababar lagu Baranayay u Adkaysiga Aafooyinka oo lagu Soo Gunaanaday Muqdisho


Arbaco, August 03, 2016 (HOL) — Tababar lagu baranayay sida aafooyinka loogu adkeyso oo uu soo agaaasimay La-taliyaha RW ee dhanka u adkaysiga Aafooyinka Inj. Cabdi Maxamed Axmed [Baafo] ayaa lagu soo Gunaanaday Muqdisho, waxaana goobjoog ka ahaa wakiilo ka kala socday maamullada dalka ka jira, qaar ka mid ah Wasaaradaha Dowladda Somalia, Macallimiin Jaamacadeed iyo Khubaro ka socotay hay’ada Cunada & Beeraha Adduunka ee FOA.

La-taliyaha RW Somalia ee arrimaha u Adkeysiga Aafooyinka Cabdi Maxmed Baafo ayaa sheegay in tababarkaan ku salaysan yahay sidii loo baran lahaa u adkeysiga masiibooyinka dabiiciga ah, islamarkaana wuxuu tilmaay in dhulka miyiiga ah la tagi doono si qiimayn loogu soo sameeyo sida ugu haboon ee looga hortagi karo aafooyinka ka dhashay abaaraha iyo daadadka wabiyada.

"Afooyinka dabiiciga ah badanaa waxay taabtaan dadka reer miyiga ah iyo beeralayda, waxaana halkaan fadhiya wasaaradihii qaablisanaa arimahaas. Waxaa tababarkaan socday in mudo ah,, waxaana halkaan lagu qaatay aqoon dhaxal gal ah, oo waxa weyn ka tari doonta sdii loogu adkaysan lahaa hadii ay dhacaan masiibooyin dabiici ah. Aqoontaan waxaa dib loogu celinayaa deeganada miyiga iyo beeraha, islamarkaana loo qaybsan lahaa dadka baahiyahooda kala duwan, sidaad ogtihiin markasta waxaa dhaca fatahaadyo iyo abaaro soo noq noqda, hadii aan dadka la barin sidii looga gashaaman lahaa waxaa suurta gal ah in ay dhacaan afooyinkii dhacay 2011 oo galaaftay nolosha 260,000 oo qof," ayuu yiri Baafo

Dhanka kale, Fulinta Tababbarkaan waxaa iska kaashanayey xafiiska RW-ha Somalia iyo Hay'adda Cunada iyo Beeraha Adduunka ee FAO, Waxaa sidoo kale bixiyay kharashka ku baxay Midowga Yurub oo soo marsiiyey Hay’adda Cunada iyo Beeraha.

Ugu dambeyn, Mas'uuliyiintii ka socotay Hay'adda FAO ay mashruucaan ku tilmaamay in Soomaaliya uu faa'iido ballaaran u leeyahay, lana qaban doono tababaro noocaan ah waqtiyada soo socda.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya