4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 3 , 2016
Australia oo lagu eedeeyay inay iska indhatireyso xadgudubyada ka socoda Nauru

Mudaaharaadeyaal Australian ah oo ka careysan dhibaatooyinka qaxootiga Nauru, magaalada Sydney ee Australia, horraantii sanadkaan


Arbaco, Agoosto 03, 2016 (HOL)-Hayadaha xaquuqul insaanka ee caalamiga ah ayaa ku eedeeyay dawlada dalka Australia  inay iska indhatireyso xadgudubyada iyo dhibaatooyinka heysta qaxootiga kujira xerada Nauru.

Heyadaha xaquuqul insaanka ee Amnesty International iyo Human Rights Watch ayaa sidaa kuyiri warbixin ay dhawaan soo sareen. Rag, haween iyo carruur ayay sheegeen in lagu hayo xeradaa kuwaasoo halkaa ay ku heystaan daruufo adag.

Siyaasad cusub oo dawlada dalkaasi ay soo saartay ayaa dhigaysa in wixii magangalyo doon ah ee dalkaa lagu qabto inta doomo lasaaro ay tahay in lagu xabbiso xeryo kuyaala jasiirado kuyaala Nauru iyo Papua New Guinea gaar ahaan jaziirada Manus.

Xeradaa ayaa kasokow xaalada adag ee nololeed ee halkaa kajira waxaa qaxootiga halkaa la geeyay u dheer xadgudubyo.

Nauru ayaa ay adag tahay inay kasoo waramaan wariyeyaasha ajnabiga oo lacago aad u badan oo fawqal caqli ah ayaa laga qaadaa haday isku dayaan inay galaan.

Sidoo kale ayay adag tahay isticmaalida baraha bulshada sida facebook oo waa la xaddidaa dalkaa gudihiisa barahaa.

Qaxooti badan ayaa is dilay dhawaan qaar kalena dhaawacyo ayay naftooda u geysteen si ay u muujiyaan inay ka xun yihiin nolosha xun ee ay kula nool yihiin halkaa iyo sida loola tacaamulo.

Qaxooti dalal badan kasoo kala jeeda ayaa halkaa kunool gaar ahaan dalalka Soomaaliya, Iiraan, Bangaladesh, Ciraaq, Pakistan iyo Afghanistan.

Siyaasada qallafsan ee Australia qaxootiga halkaa ugu direyso ayaa waxaa taageeray dawladihii is xigxigay ee dhawaan soo maray dalkaasi Australia iyo weliba tan haatan dalkaa ka jirta.

Warbixinta ururada xaquuqul insaanka ayaa xustay in aysan qaxootigaasi helin daryeel caafimaad oo ku filan, inay kujiraan nolol la mid ah mid xabsi iyo in weeraro faraxumeyn ah ay kusoo qaadaan dadka deegaanka ah ee dalkaa.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]