4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 3 , 2016
Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo Muqdisho kula kulmay Wasiirka Arrimaha Afrika ee UK


Arbaco, August 03, 2016 (HOL) — Ra’iisal Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa shalay Safaaradda UK ee Muqdisho kulan kula qaatay Wasiirka Arrimaha Afrika ee UK. Tobias Ellwood iyagoo ka wadahadlay Arrimo ay ka mid yihiin xiriirka Somalia iyo UK, arrimaha amniga, xasilinta, iyo doorashooyinka dalka ka dhici doona sanadkan 2016.

Sharma'arke ayaa warbaxin ka siiyay Xaaladda Waddanku marayo Wasiirka Arrimaha Afrika ee UK, waxa uunan sidoo kale uga mahadceliyay muuhimada UK ay siineyso dib u dhiska Soomaaliya iyo taageerida dowladda.

"Xukuumadda Somalia waxey diiradda saartay arrimaha amniga iyo xasilinta dalka si loo suurtageliyo doorasho dalka ka dhacda sannadkan 2016, waxaan UK uga mahadcelinayaa in ay hormuud ka tahay dadaalka Soomaaliya lagu xasilinayo; xukuumadda waxaa ka go’an in dalka ay ka dhacdo doorasho xur ah islamaarkaan dadka Soomaaliyeed gaarsiisa xasilooni siyaasadeed iyo dimuqraadiyad waarta," ayuu yiri Sharma'arke.

RW Somalia ayaa sheegay in qorshaha Dowladda Somalia ay ka mid tahay dib u heshiisiinta si Amaanka dalka uu u sugnaado, Sidoo kale Wasiirka arrimaha Afrika ee UK Tobias Ellwood ayaa bogaadiyay dadaalka Dowladdu ay ugu jirto xasilinta dalka, isla markaana UK ay dooneyso in horumarka ballaaran ee laga sameeyay amniga iyo xasilinta ay noqdaan kuwa sii socda oo kooxaha argagaxisada loo diido fursad ay dhib ugu geystaan shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, RW cusub ee Britain, Theresa May ayaa waxay dhambaal u soo dirtay Madaxweynaha Somalia, taasoo uu madaxweynaha shalay soo gaarsiiyay Wasiirka Arrimaha Afrika ee UK.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya