4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 3 , 2016
Doorashooyinka Dowladaha Hoose oo Maanta looga dareerayo Waddanka Koonfur Afrika


Arbaco, August 03, 2016 (HOL) — Waddanka Koonfur Afrika, ayaa maanta waxaa ka bllaabanaysa doorashooyinka Dowladaha Hoose, iyadoo lagu wado inay ku tartamaan asxaabta kala duwan ee dalkaas, iyadoo Xisbiga Talada haya ee ANC uu 22-sano kaddib wajahi doona loolankii ugu adkaa ee doorasho.

Shaqo la'aan aad u baahsan iyo adeegyadii Aas-aasiga ahaa ee la waayay ayaa kumannaan qof ku abuurtay caro xooggan oo ay u Qaadeen xisbiga Talada haya ee ANC, iyagoo maalin walba dhigaya Dibad-baxyo xoogan oo cabasha ah taasoo gil-gishay guud ahaan Waddanka Koonfur Afrika.

Fadeexaddii Musuq-maasuq ee Daashaday Madaxweyne, Jacob Zuma ayaa hoos u dhigtay sumacddii uu xisbiga ku lahaa Dalka Koonfur Afrika, iyadoo kalsoonida tageerayasha xisbiga ay hoos u sii dhaxeysa maalin walba waxaana madaxweyne Zuma Sumcaddiisa Madaxtinimo la dagtay lacaga Malaayiinta Rand-ka ah - ee uu ku kharash gareeyay Qasriga weyn uu ku leeyahay Tuulada Nkandla ee dhacda Bariga Gobolka Kwazulu-Natal.

Sidoo kale, Qaar ka mid ah Xubanaha Xisbiga ANC oo ka hadlay Fadeexada musuq-maasuqa ee Nkandla ee haysta Madaxweyne Zuma ayaa sheegay in markii la dooranayay Zuma oo xilka madaxweynimo uu qabanayay aysan jirin wax la yiraahdo Nkandla, balse haatan xubanaha ugu sarreeysa xisbiga ayay kala qaybisay fadeexadaasi musuq-maasuq.

Ra'yi ururintii u dambeysay ayaa muujinaysa in xisbiga Talada haya ee ANC uu wajahi doona hoos u dhacii ugu weynaa xagga codadka ah marka la is-bar-bar dhigo guushii ugu weyneyd ee uu gaaray Sannadkii 1994-kii waxayna u muuqata Doorashada maanta dhacaysa in Xisbiyada Mucaaradka ah la wareegaan gacan ku haynta Magalooyinka waa-weyn sida Pretoria.

Hoggaamiyaha Xisbiga u Dhaqdhaqaaqa Xorriyada Shaqaalaha ee EFF, Julius Malema ayaa sheegay in Xisbigiisa oo Saddex sano jir ah uu halis ku yahay Xisbiyada waa-weyn sida; ANC iyo kan mucaaradka ee Democratic Alliance (DA), ayna doorashada filayaan inay guul kagaaraan.

Ugu dambeyn, Dadka Siyaasadda odorosa ayaa sheegaya in doorashooyinka Dowladaha Hoose ee maanta dhacaya ay huradada ka toosin doonaan ANC, iyadoo la sheegayo in Jacob Zuma uu meesha ka bixi doono doorashooyinka 2019-ka ka dhici doona dalkaas.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya