4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 3 , 2016
Mid ka mid ahaa shaqaalaha UNHCR oo la xaqiijiyay inuu ku dhintay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

Xaquuqda masawirkaan/AFP


Arbaco, Agoosto 03, 2016 (HOL)-UNHCR ayaa xaqiijisay in mid ka mid ahaa shaqaalaheeda dhawaan uu ku dhintay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho.

Ninkaa oo dhallin yaro ahaa sidoo kalena ahaa Soomaali ayaa wuxuu ku dhintay qaraxyadii lagu weeraray xarunta QM ee u dhow garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Muqdisho. Axmed Maxamed Xassan ayaa ku dhintay qaraxyadaa 26kii Luuliyo.

Markii hore ayaa la kala garan waayay inuu dhintay ninkaa iyo in kale maadaama aan wax badan oo jirkiisa ah la arag amaba aanba jirkiisii waxba laga arag sida barta HOL ay xog ku heshay. 

Marxuumka ayaa wuxuu ifka uga tagay xaas iyo 3 carruur ah. Ilaa 13 qof oo kale ayaa ku geeriyooday qaraxyadaa.

UNHCR bayaan ay saaka soo saartay ayay ku sheegtay in kasokow ninkaa dhallinyarada ah ee shaqaalaheeda ka tirsanaa ee dhintay ay jiraan shaqaale kale oo isla UNHCR ka tirsan oo dhaawacyo ka soo gaareen qaraxyadaas.

Axmed ayaa u shaqeynaayay UNHCR asagoo u qaabilsanaa dhanka badbaadada gaar ahaan badbaadinta dadka  dhibaatooyinka unugul sida carruurta iyo haweenka min Abriil 2012 ilaa waqtigaa uu halkaa ku geeriyooday ee lagu dilay.

UNHCR waxay sheegtay in ay haatan la xiriireyso qoyskiisa isla markaana ay taageero u fidin doonto.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]