4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 3 , 2016
Erdogan oo afgambigii dhicisoobay ku eedeeyay Reer Galbeedku inuu taageeray

Arbaco, Agoosto 03, 2016 (HOL)-Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa shalay ku eedeeyay Reer Galbeedku inuu taageerayay afgambigii dhicisoobay.

Erdogan ayaa weerarkaa ba'an ee afka ah ku qaaday gaar ahaan dalalka Reer Galbeedka ee gacan saarka la lahaa dalkiisa. Wuxuu sheegay in ay taageereen argagax iyo dadkii soo maleegay shirqoolkii kursiga looga tuurayay ee laisku dayay balse fashilku ku dhacay.

Afgambigaa ayaa laisku dayay bartamihii bishii aanu soo dhaafnay. Afgambiga dhicisoobay ayaa waxaa isku dayay qaar ka tirsan askarta dalkaa 15kii Luuliyo.

Erdogan ayaa ku eedeeyay wadaadka Turkiga ee daggan Mareykanka ee lagu magacaabo Fethullah Gulen inuu doonayay inuu xukunka ka rido asaga iyo Reer Galbeedka wuxuuna ku tilmaamay afgambiga la isku dayay dhaan dabangaale iyo waxaan lagu guuleysan karayn oo dibada dalkaa lagu qoray ama lagu dajiyay.

Waxay ku tahay ayuu yiri dhalanteed saameynta shisheeyaha. Dalka Turkiga ayaa afgambigaa laisku dayay kadib waxaa la xiray kumanaan qof oo xirfadleyaal u badan.

Dadkaa la xiray ayaa waxaa ku jira ciidamo, dhaqaatiir iyo xirfadleyaal kale. Waxaa sidoo kale shaqooyinka laga qaaday dad badan oo ay kujiraan sharci yaqaano iyo xataa garsooreyaasha kubadda cagta.

Waxaa haatan xiran in ka badan 18 kun oo qof oo loo soo qabqabtay inay ku lug lahaayeen khidada fashilantay.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]