4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 2 , 2016
Xisbiyada Somaliland oo sheegay inay ku qanci doonaan Go’aanka kasoo baxa Madaxweynaha

Talaado, August 02, 2016 (HOL) — Saddexda Xisbi iyo Ururada Bulshada, ayaa madaxweynaha uga warbixiyey sababta dib ugu soo celiyeen Saami qaybsiga kuraasta golaha Wakiiladda oo la isku mari waayey in go’aanno laga soo saaro.

Hogaamiyeyaasha saddexda xisbi, gudoomiyaha Akadamiga nabadda iyo Guddoomiyaha ururada bulshadda ee SONSAF, ayaa sheegay in saami qaybsiga Kuraasta golaha Wakiilada la isku mari waayey, isla markaana ay sababtay in madaxweynuhu go’aan ka gaadho, waxaanay soo jeediyeen in go’aan kasta oo ay soo jeedisay ay ku qanci doonaan.

Kulankan madaxweynaha waxa ku wehelinayey, madaxweyne ku xigeenkiisa C/raxmaan Saylici, wasiirka Arrimaha Gudaha, wasiirka Maxtooyada, waxaanay halkaasi ka dhagaysteen warbixinaddii laga soo jeediyey xal u heliladda saami qaybsiga golaha Wakiiladda.

Guddoomiyaha Akaademiga nabadda iyo horumariinta Maxamed Faarax Xirsi, iyo gudoomiyaha Bulshada Rayidka ah ee Somaliland Mustafe Sacad Dhinbiil, ayaa Madaxweynaha u akhriyey saddex qodob oo ay sheegeen inay isla qaateen saddexda xisbi qaran, iyadoo ay dhexdhexaadinayaan akaademiga iyo SONSAF, 27/07/2016, waxay kala ahaayeen:-

1. In go’aan ka gaadhista saami qaybsiga uu ka dirgan waayey (socon waayey) heshiis ay ka gaadheen saddexda xisbi qaran arrintaasi, sidaas awgeedna au ku celiyaan madaxweynaha oo uu g’aan kama dambays ah ka qaato.

2. In g’aanka madaxweynuhu ka qaato saami qaybsiga kuraasta golaha wakiiladu yahay lama duraan dhinaca saddexda xisbi.

3. In Heshiiskaasi kormeerkiisa iyo markhaatigiisaba ay leeyihiin Akaademiga iyo SONSAF.

Sidoo kale, madaxweynaha waxay u akhriyeen siyaabo badan oo ay xal u arkeen oo guddiyo kala duwan soojeediyeen, balse saddexda xisbi isku raaci waayeen, waxaanay warbixinadaasi soo kala diyaariyey, guddi xildhibaano ah oo daraasad ka soo sameeyey goboladda, Akadamiga Nabadda oo iyaduna qodobo kale soo bandhigtay ay u arkaysay inuu xal yahay iyo daraasad kale oo ay samaysay Daladda ururadda rayidka ah ee SONSAF oo tallo ku darsatay ay xal u aragto soo afjaridda saami qaybsiga kuraasta golaha Wakiiladda.

Qodobada saddexda xisbi loo soo gudbiyey ee aanay ku heshiin, balse madaxweynaha maanta loo akhriyey oo ah daraasaddo siyaabo kala duwan loo diyaariyey si xal ugu noqoto saami qaybsiga golaha Wakiiladda ee loo maaro laayahay, ayaa kala :

* In lagu galo doorashada wakiilada sidii ay goboladu ku galeen sanadkii 2005.
* In saami qaybsiga kuraasta wakiilada lagu saleeyo tiro koobka gobolada.
* In si horleh (si cusub) saddexda xisbi qaran wax ugu heshiiyaan imika oo ah si loo qaybsan karo kuraasta golaha wakiilada.

Sidoo kale, daraasadan waxa lagu daray in gobol kasta aaminsan yahay inuu yahay ka ugu dadka badan, isla markaana aaminsan yahay inuu yahay inuu dulman yahay marka loo eego saami qaybsiga kuraasta Wakiiladda sida hadda loo qaybiyey.

Kaddibna, waxa halkaasi ka hadlay saddexda gudoomiye ee xisbiyadda, waxaana ugu horeyn hadalka qaatay gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Bixii Cabdi ayaa sheegay in mudaddii ay kulamadda ku jireen xisbi waliba ka gaabsaday inuu go’aan la isku wada raaco, maadaama oo xisbi waliba si wax u doonayo , waxaanu intaas ku daray in 11 Sano oo xildhibaanada golaha wakiiladu fadhiyeen kuraasta aan xal loo helin saami qaybsiga wakiilada eel agama gudbaanka noqotay.

Waxaanu intaa raaciyey in sddexda xisbi qaran hoggaankoodu wakhti xaadirkan ay ka maageen inay heshiis ay ku midaysan yihiin ka qaataan arrintaasi.

"Arrinta saami qaybsiga cid walba way ka baqatay, golaha wakiilada oo uu hogaaminayo C/raxmaan Cirro guddi buu u saaray ka soo tallobixisay saami qaybsiga golaha Wakiiiladda, natiijadii ay keeneen waa la qaadan kari waayey, Akadamadda Nabaddu iyana daraasad kale ayey keentay oo tidhi taasna ka warama tiina way noo cuntami wayday, ururadda Bulshaddu daraasad kale ayey keentay iyana waa la iskugu afgaran waayey, waayo xisbi walba danbuu leeyahay waana raggii wax wada doonayey, nin dan lihina waxba kama go’aan gaadhi karo, waxaana markii dambe ku heshiinay in madaxweynaha loo gudbiyo wixii usoo jeedinaya lagu wada qanco, taas ayaa la isku raacay"ayuu yidhi Muuse Biixi.

Guddoomiyaha xisbiga WADANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda oo isna badheedhishiisa dhiibtay ayaa yidhi "28.6.2016 madaxweynaha noo yeedhay, waxaanu noogu yeedhay in aanu ka soo tallo bixino saami qaybsiga kuraasta golaha Wakiiladda, kulamo badan ayaanu yeelanay balse wax natiijo ah kama soo bixin, markii dambe waxaanu isku waafaqnay in madaxweynaha dib loogu celiyo arrinta saami qaybsiga kuraasta golaha Wakiiladda, isla markaana madaxweynuhu xal ka gaadho arrintaasi ayey asxaabtu isku raacday, wixii ka soo baxana la isku raaco, madaxweynaha waxaan ilaahay uga baryeynaa inuu ilaahay waafajiyo sidii umadan u dan ah oo wanaagsan "

"Arrintan saami qaybsiga xal looma waayin ee raganimo la waayey, waa nagu ceeb in aanu maanta xal u heli kari wayno 82 kuraas ee goluhu ka kooban yahay, qofka madaxweyne doonayaan waa inuu go’aan geesinimo ah ku dhaqmaa oo haday dacar ka qadhaadh tahay umadda usoo bandhigaa, xalka ugu fiicani wuxuu ahaa in 2005 kii sidii lagu galay lagu gallo, inta badan waxa inoo caado ah in marka arrini adkaato dib loogu noqdo lixdankii (Wakhtigii Ingiriiska) sidii wax loogu qaybsan jiray loo qaybiyo oo salka hoose noqda sidii lixdankii, haseyeeshee waxa aanu ku heshiinay in madaxweynaha dib loogu celiyo oo go’aanka madaxweynaha lagu wada dhaqmo oo aan siyaasad loo eegin iyo ku jiqsii, waxaana ilaahay u baryeynaa inuu taladda wanaagsan waafajiyo"ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo isna doodiisa dhiibanayey.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Siilaanyo markuu warbixinadii wada dhagaystay waxa uu sheegay inuu ka fiirsan doonno go’aanka uu qaadan doonno, isagoo yiri. "Waan ka fiirsanaynaa, waanan ka wada socon doonaa, waad ku mahadsan tihiin intaad ka soo qabateen iyo inaad nagu soo celiseenba"

Si kastaba ha ahaatee, arrintan saami qaybsiga kuraasta ayaa noqotay laf dhuun gashay, waxaanu xisbi kasta noqday eed ka carar, maadaama oo haddii ay go’aan ka gaadhaan cabashadda soo baxday xisbi walba taabanayso, taas oo uu mid walba ka maagay, taasina waxay keentay inay ku heshiiyaan in madaxweynuhu ka go’aan gaadho oo go’aankaasna la isku waafaqo oo aanu xisbina hadal ka keenin.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Onlin
[email protected]
Hargeysa, Somaliland