4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 2 , 2016
Kulan ay yeesheen taliyeyaasha sare ee AMISOM

Talaado, Agoosto 02, 2016 (HOL)-Kulan ay yeesheen taliyeyaasha sare ee AMISOM ayaa lagu gorfeeyay waxqabadka hawlgalka iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Taliyaha guud ee ciidamada AMISOM, Sareeye Gaas, Cusmaan Nuur Subagle ayaa ka dalbaday saraakiisha sarsare ee militariga ee AMISOM inay dib u eegid ku sameeyaan istaraatiijiyadaha haatan jira ee lagu horumarin karo hawlgalada ammaanka iyo xoojinta iskaashiga ciidamadaasi la leeyihiin ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ee SNA.

'Waa fursad tani aan dib u eegid ugu samaynayno wixii naloo igmaday ilaa sanadka soo socda aana kujahaynayno fikirkeena'. Sidaa ayuu yiri.

Kulankaa ayaa waxaa si rasmi ah u furay ergayga gaarka ah ee guddoomiyaha ururka midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa AMISOM, Francisco Madeira.

Francisco Madeira ayaa ku nuuxnuuxsaday in ogolaanshaha AMISOM aan si waafi ah loogu guuleysan karin ayadoon la awood siin ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya-SNA si dabadeed loo helo daganaanshiyaha iyo ammaanka Soomaaliya ee mustaqbalka dhow iyo kan fog.

'Waa inaanu ku wareejino ayaga dhanka hoggaanka ee arimaha ammaanka. Markii aanu sidaa yeelo ayumbeynu ka tagi karnaa Soomaaliya'. Sidaa ayuu yiri Francisco Madeira.

Waxaa in badan laga dhawaajiyay baahida loo qabo in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya la tayeeyo isla markaana la qalabeeyo si ay AMISOM ugu dambeyn ugala wareegaan ammaanka dalka sugidiisa sida uu haatanba ta'kiidiyay Francisco Madeira.

Laakiin waxaad moodaa caga jiid iyo waqti lumin badani inay jiraan oo geedi socod sax ah uusan jirin oo waqti cayiman gudihii lagu tayaynayo ciidamada Soomaaliya ee SNA.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]