4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 2 , 2016
DAAWO: Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Taliska AMISOM oo kawada Hadlay Sugidda Ammaanka


Talaado, August 02, 2016 (HOL) — Madaxda Maamulka Gobolka Hiiraan, Taliska Ciidanka Booliska Gobolka, iyo Saraakiisha AMISOM, ayaa shir ay maanta ku yeesheen magaalada Beledweyne, waxaa ay si adag uga wad hadleen arrimaha ammniga, gaar ahaan gadiidka sidda sharci darrada ah jidadka loo dhigto.

Mas'uuliyiinta ayaa siddoo kale kormeeray xarunta saldhiga booliiska oo qeybo ka mid ah laga waddo dib-u-dayactir iyo xabsiga magaalada oo u baahan in dib loo hagaajiyo kaddib bur bur qeybo ka mid ah ka soo gaaray fatahaadii kol hore ku dhufatay magaalada Beledweyne.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku dhaliilay ciidammada booliiska in aysan wajibaadkooda shaqo iyo amarrada la siiyo inta badan u fulin sidii loo baahnaa, halka saraakiisha ciidanka booliiska dhinacooda isku difaaceen in xafiisyada maamulka qaarkood wada-shaqeyn buuxda la laheeyn Saraakiisha iyo ciidammada booliiska.
Taliska AMISOM ayaa dhinacooda balan qaaday in ay ka caawin doonaan maamulka iyo ciidammada intaba sugida ammniga, gaar ahaan hagaajinta isticmaalka jidadka oo muhiim u ah sugida ammniga.

Ugu danbeyntii, kulanka ayaan noqonaya kii ugu ballaarnaa oo waayadii ugu danbeeyay dhaxmara maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha AMISOM iyo qeybaha kala duwan ee ciidammada dowladda Soomaaliya ee ka howlgalka gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya