4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 2 , 2016
Wasiirka hawlaha guud oo furey Shir lagu soo bandhigayo sharciga dhismaha wadooyinka (Sawirro)

Talaado, August 02, 2016 (HOL) — Shir-weyne wada-tashi ah oo looga hadlayo Sharciga Dhismaha Waddooyinka iyo Buundooyinka Dalka, ayna soo qaban-qaabisay Wasaaradda Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Somalia ayaa si rasmi ah Maanta ugu furmay Magaalada Muqdisho.

Kulankaan oo socon doona Muddo Seddex Maalmood ah, ayaa waxaa ka Qayb-qaadanaya Wasiirrada Wasaaradaha howlaha guud ee dowlad Goboleedyada Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur-galbeed iyo xubno mateleyay Maamulada Gobolada Banaadir, Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan. Sidoo kale shirkan Waxaa ka Qayb-galaya Agaasimiyaasha, La-taliyaasha, Injineerada iyo Howl-wadeenada Wasaaradda Hawlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Howlaha Guud, Inj. Saalax Sh. Cismaan Muuse oo khudbad dheer ka jeediyay furitaankii shir-weynahan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qabashada aqoon is-weydaarsigaasi qiimaha u leh habsami u socodka adeegyada qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay inuu jecel yahay in horumar waliba ay Wasaaradiiisa la qaybsato maamul goboleedyada dalka.

"Seddexda maalmood ee halkan aad joogtaan waxaa la idiin soo bandhigaya buug ka hadlayo sharciga dhismaha waddooyinka iyo buundooyinka Dalka, si wadajir ah ayaa layskula eegaya nuxurka iyo shuruucda uu ka hadlayo buugaas," ayuu yiri wasiir Saalax oo intaasi raaciyay in sharcigani uu yahy mid horumarinaya qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka Howlaha Guud ayaa ku nuux-nuuxsaday in hadafka Wasaaradiisa uu ku qotomo sidii dhismayaasha Soomaaliya loo wanaajin lahaa, waxaana uu caddeeyay in qorshaha ay ugu jiro dhismaha Dekadda ugu balaaran Bariga Afrika, isagoo intaasi raaciyay in wasaaradiisu ay dalka keentay Shaybaar lagu baarayo qalabka dhismaha ee la soo dejinayo.

Inj. Saalax Sheekh Muuse Cismaan waxa uu xusay in sida dkahsiyaha badan uu u kormeeri doono mamul Goboleeedyada dalka ka jira si uu xog-ogaal ugu noqdo Xaaladaha Wasaaradaha Qaabilsan Howlaha Guud ee Maamul-Goboleedyada, wuxuna ku cel-celiyay inay ka go’an tahay bilic soo celinta iyo shaqo abuurka shacbiga Soomaaliyeed, isagoo carabka ku dhuftey in gacan ay dalka ku dhisayaan halka gacanta kalana ay doorashada wadanka ku galayaan.

Dhanka kale, Madashii furitaanka kulankaasi waxaaiyana ka hadlay Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaarada Howlaha Guud Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Shuuriye, wasiir Ku Xigeenada Maamullada Jubbaland, K/Galbeed, Puntland iyo Galmudug kuwaasi oo soo dhaweeeyay qabashada wada tashigaasi, iyagoo balan qaaday sidii ay u meel marin lahaayeen go’aanada kulankaasi ka soo baxa.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Howlaha guud oo soo qaban-qaabisay aqoon is-weydaarsigaasi ayaa ka mid ah Wasaarada ugu shaqada badan xukuumadda Federaalka Somalia, Wasaaradaan ayaa dhawaan ku Guuleysatey Dhismaha xaruntii hore ee Wasaardaas, iyadoo ay Xaruntaasi ka mid ahayd Goobihii ku burburtey dagalaadii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya