4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 2 , 2016
Kooxo hubeeysan oo nabadoon ku dilay magaalada Beledxaawo
Talaado, Agoosto 02, 2016 (HOL)-Kooxo hubeeysan ayaa xalay fiidkii Nabadoon caan ah ku toogtay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, ayadoo kooxihii weerarka geeystay ay u suurogashay in ay baxsadaan.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Nabadoon Idiris Cabdi Aadan, waxa uuna kamid ahaa odoyaasha dhaqanka ee gobolka Gedo.

Qaar kamid ah dadka ku dhaqan degmada Beledxaawo oo la hadlay warbaahinta HOL ayaa sheegay in nabadoonka la toogtay xilli uu kasoo baxay salaaddii cishaha, kooxaha toogtayna ay ku hubeeysnaayeen baastoolado.

Lama garanayo cidda ka danbeeysay dilka Nabadoonka, mana jirto cid sheegatay.

Dilalka loo geeysto odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa mudooyinkii u danbeeyay kusoo badanayay gobollada dalka, ayadoo inta badan dilalkaasi ay geeystaan kooxda Al-shabaab oo ku eedeeysa in ay odoyaashu wada shaqeyn la leeyihiin dowladda.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.