4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 2 , 2016
Canada oo wax ka baddalaysa gargaarka baniaadminimo ee ay bixiso

Talaado, Agoosto 02, 2016 (HOL)-Dawlada dalka Canada, waa dawlada cusub ee dalkaase ayaa sheegtay inay wax ka baddalayso deeqda baniaadminimo ee ay caalamka intiisa kale siiso.

Haatan ayaa dawlada dalkaasi waxay wadaa qorshe lagu xaqiijinaayo in wax laga baddalo qaabkaa dalkaasi kusiiyo caawimaada dalalka kale ee caalamka khaasatan dalal gaaraya ilaa 20.

Wada hadalo amuurtaa kusaabsan oo ay ka qeyb qaadanayaan xubno dawlada ka tirsan iyo xildhibaano baarlamaanka dalkaa ka tirsan ayaa dhawaan lagu qabtay magaalada dalkaa kutaala ee Toronto.

Dalka Canada ayaa deeqo siiya caalamka intiisa kale gaar ahaan dalalka dunida saddexaad sida dalalka Afrika.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]