4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 1 , 2016
Shir looga hadlay Gudniinka Fircooniga ah oo ay yeesheen Haweenka PAN AFRICAN (SAWIRRO)

Isniin, August 01, 2016 (HOL) — Kulankan oo socday muddo labo casho ah oo ay guddoomineysay madaxweyne ku xigeenka labaad ee Baarlamanka Afrika [Pan African], Safiya Cilmi Jibril oo dal ahaan kasoo jeeda Jabuuti ayaa waxaa soo qaban-qaabisay hay'adda UNFPA qeybteeda Bariga iyo Koonfurta Afrika, wuxuuna ujeedkiisu ahaa sidii loo soo Af-jari lahaa gudniinka fircooniga ah iyo Guursashada Carruurta ee Afrika laga caadaystay.

Madaxweynaha Baarlamaanka Afrika. Roger Nkodo oo daah-furay shirkaan ayaa sheegay in loo baahan yahay in Afrika ay ka gudubto caadooyinka laga wanaagsan yahay ee lagula dhaqmo haweenka iyo caruurta, isagoo sheegay in Baarlamaanka Pan Afrika uu xoojinayo dhaqangalinta joojinta caadada Gudniinka Fircooniga iyo Guursiga Caruurta, iyadoo la kaashanayo hay'adaha iyo dowladaha ee ay wadashaqeeyaan.

Shirkaan oo doodo kala duwan lagu qabtay oo ay warbixino soo bandhigeen qaar ka mid ah xafiisyada UNFPA ee Afrika ayaa waxaa su'aalo laweydiiyay xubnihii matalayay wadamadii warbixinada laga soo diyaariyay, iyadoo shirkaan lagu cadeeyay wadamada qaar inaysan wali dhaqangalin sharciyada lagu xadidayo Gudniinka Fircooniga iyo Guursiga Caruurta.

Xildhibaanad Saxarla C/llaahi oo ka socotay dalka Ethiopia oo aan shirka kadib wax ka weydiinay waxyaabihii looga hadlay ayaa sheegtay in kulankaan ay ka hadleen wadmo badan oo ay Ethiopia ka mid tahay oo qaarkood sharci xadidaya gudniinka fircooniga uu ka jiro, halka qaar kalana ay rabaan inay sharciyadooda kudaraan si ay ujoojiyaan caadooyinka gudniinka fircooniga iyo guursiga caruurta.

Dhanka kale, Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Baarlamanka Afrika Safiya Cilmi Jibril oo soo xirtay shirka looga hadlayay Joojinta Gudniinka Fircooniga iyo Guursiga carruurta ayaa inooga Warbixisay Qoddobadii kualnkan laga soo saaray ee la isku waafaqay oo ahaa afar qodob oo ay ka mid ahaayeen; sidii loo dhaqan-gelin lahaa sharciyada la isku raacay ee shirkii Malapo, is-kaashiga xildhibaannada Ragga iyo Dumarka ah ee Baarlamaanka Afrika iyo Maal-galin u sameynta joojinta gudniinkan dhibka ku haya haweenka & caruurta Afrika.

Ugu dambeyn, Shirkaan lagu qabtay Sandton Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ee looga Hadalayay joojinta Gudniinka Fircooniga iyo Guursiga Gabdhaha aan qaangaarin ee caruurta ah ayna iska kaashadeen Gudiga Haweenka Baarlamaanka Pan Afrika iyo Hay'adda UNFPA ayaa waxaa la isla gartay in bisha October ee sanadkan 2016-ka lagu daro ajandayaasha shirka guud ee Baarlamaanka Pan Afrika.

Mahad maxamed Sheikh (Istiila)
E-mail: [email protected]
Johannesburg, Koonfur Afrika