4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 1 , 2016
DAAWO: Shirka Jamciyadda IANA ee Gobolka Minnesota oo la soo Gaba-gabeeyay (SAWIRRO)

Isniin, August 01, 2016 (HOL) — Shirkii sanad laha ahaa ee Golaha Jimciyada Islaamiga ee loo soo gaabiyo IANA, ayaa shalay lagu soo gaba-gabeyay Xarunta Masaajidka Abuuubakar ee Magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa in ka badan 100 ruux oo kala yimid 16 Gobol oo ku yaalla Maraykanka, iyagoo matalayay 26 masjid oo ku yaala Goboladaas.

Shirkan ayaa socday muddo saddex cisho ah, iyagoo Culumada ku midaysan IANA ay uga doodeen Qodobo badan oo faa'iiido u leh dhammaan Muslimiinta Maraykanka, sida wuu HOL u sheegay guddoomiyaha guddiga fulinta ee IANA Sh. Xasan Jamac Dhooye.

Sheekh Dhooye waxuu kaloo uu HOL u sheegay in Qoddobada Sanadkaan ay uga hadleen Kulankan ay ka mid ahaayeen; Horumarinta Dacwada, Arrimaha Dhallinyarada iyo Haweenka, Tayeynta iyo horumarinta Masaajidda. "Waxaan kaloo looga hadlay Arrimaha Islaam-nacaybka ee soo badanaya iyo Sidii Bulshada aanu la nool nahay ugu sheegi lahayn Diinteena. Waxaan kulanka uga hadlanay sidii Codkeena loo mideyn lahaa haddaan nahay Soomaalida ku nool Maraykanka iyadoo xilli doorasho lagu jiro," ayuu Sheekh Dhooye yiri.

Dhanka kale, Intii uu kulanku socday ayaa waxaa aad looga hadlay Arrimaha Dhallinyarada sidii wax looga qaban lahaa, iyadoo ay ka hadleen qaar ka mid ah culummadda iyo dhallinyaro si taburaacad ah wax uga qabta arrimahaa oo ka kala yimid gobollo kala duwan, waxayna dhammaantood soo jeediyeen in la yareeyo Dhisidda Masaajida loona soo jeesto dhisidda xarumo Dhallinyada lagu cayaarsiiyo, si ay uga badbaadaan wax kasta oo halis ku ah.

Ugu dambeyn, Shirka ayaa laga Akhriyay Bayaan ay soo sareen Culummada, waxaadna ka daawan kartaa Video-ga ku lifaaqan Qoraalkan kasoo uu shirka ka akhriyay guddoomiyaha golaha shuurada ee IANA Sh. C/raxmaan Sheekh Cumar oo ka mid ah Culummaa'uddiinka waawayn ee Soomaaliyeed.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota