4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 1 , 2016
Askari boolis ah oo qarax ku dhaawacmay degmada Lamu ee Kenya

Isniin, Agoosto 01, 2016 (HOL)-Askari ka tirsan booliska Kenya ayaa dhaawacmay kadib markii bamb gacmeed lagu soo tuuray degmada Lamu ee dalka Kenya maanta.

Nin dhallinyaro ah oo ka tirsan dhallinyarada dalka Kenya ururka ay leeyihiin ee NYS ayaa isna dhaawacmay.  Waxay labaduba ku dhaawacmeen bambadaas oo ay kusoo tuureen koox looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Biliiska ayaa la sheegay inuu bilaabay baadigoob la doonayo in lagu soo qabto raggii weerarkaa geystay. Weerarka ayaa maanta ka dhacay deegaanka Kiunga oo aad ugu dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya kala qeybiya.

Labada qof ee dhaawacmay, waa askariga iyo ninka kale ayaa loo soo qaaday Nairobi si loo daaweeyo.

Dhacdadaan ayaa timid asbuuc un kadib markii ciidamo ka tirsan KDF ay dhaawacmeen kadib markii taangi ay wateen oo deegaankaa maraayay uu ku joogsaday miino dhulka la galiyay.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]
Magaalada Nairobi, Kenya.