4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 1 , 2016
MADAXWEYNAHA: Waan Rajeynayaa inaad guul ka keeni doontaan Olimbikada Adduunka (Sawirro)


Isniin, August 01, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku Qaabilay Cayaartooyda xulka Qaranka Soomaaliyeed oo ka Qayb-galeysa Tartanka Olimbikada Adduunka ee RIO 2016-ka oo lagu qaban doono dalka Brazil.

Xasan Sheekh ayaa dhiirri-geliyay Cayaartooydaan, isla markaana guddoonsiiyey Calanka Soomaaliya ciyaariyahannada Maxamed Daa’uud Maxamed iyo Maryam Nuux Muuse oo ka qeyb galaya tartarnka RIO 2016 gaar ahaan ciyaaraha fudud.

"Mar ka hore waxaa guul inoo ah oo Muhiimaddeedana leh inaad maanta ka qeyb galeyno tartankaas, waxaan aad iyo aad ugu kalsoonahay inaad guul ka soo hoyin doontaan ciyaraha Olimbikada Dunida ee RIO 2016-ka, gaar ahaan kuwa fudud oo aad ka qeyb galeysaan. Dowladda Soomaaliya diyaar ay la tahay wax walba oo idin fududeynaya inaad ku guuleysataan tartanka, sidoo kale xirriirka & Dhamaan shacabka Soomaaliyeed garabkiina ayey taagan yihiin," ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Xasan Sheekh - ayaa u rajeeyey Cayaaryahannadaan oo maalinta berri ah u ambabaxi doona Waddanka Brazil inay guul ka soo hoyin doonaan tartarnka , wuxuuna u ballan-qaaday in dib u soo laabashadooda loo sameyn doono soo dhaweyn ballaaran.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya