4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 1 , 2016
Xildhibaanada Somaliland ee kasoo jeeda G/Saaxil oo dhaliilay Heshiishka Maal-gashiga Berbera


Isniin, August 01, 2016 (HOL) — Xildhibaanada Golaha Guurtida iyo Wakiilada Somaliland ee kasoo jeeda Gobolka Saaxil, ayaa Xukuumadda Somaliland ku eedeeyay in ay doonayaan Golaha in ay Hor-keenaan heshiishkii maalgashiga dekadda Berbera oo madmadow badani ku jiro.

Xildhibaanada ayaa sheegay in aanay ogolaan doonin in heshiishkaasi badhna la qariyo badhna la soo bandhigo, iyagoo Xukuumadda iyo wasiiradda hor kacaya heshiishkan in heshiishkii oo dhamaystiran u soo gudbiyaan golaha.

Sidoo kale, xidlhibaanaddu waxay sheegeen in dadka ku nool deegaanka Berbera culays badan la saaray, isla markaana loo diiday shir ay dhowaan ku doonayeen inay ku qabsadaan gobolka Saaxil, waxaanay xuseen in shirkaasi dhacayo lagagana hadlayo danaha dadka deegaanka gobolka Saaxil.

Xildhibaanadda golaha Guurtidda iyo Wakiiladda ugu jiray gobolka Saaxil ee warbaahinta la hadlay ayaa kala ahaa Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Maxamed Faarax Qabile, xildhibaan Siciid Cartan, xildhibaan Axmed Wayse Cadde, Xildhibaan Xaamud, Xildhibaan Ibraahim Garas iyo xildhibaano kale, kuwaas oo dhamaantood isku raacay in heshiishka maalgashiga Berbera si dhamaystiran golaha loogu soo gudbiyo, isla markaana culayska la saaray gobolka Saaxil ay ka dhalan karto Amni-darro.

"Xukuumadda waxaan leeyahay Inta dhex dhexaadka ah ama wanaaga wadda haddii aad kaxaysataan cidi waxba idin odhan mayso , sidaad wax uwadaana waa khalad oo amni daro ayuu keenayaa, taladda dadka qaata oo dadka u warama, horumar lama diidana oo anaga waramayna"ayuu yidhi Xildhibaan Xaamud oo ka tirsan golaha Wakiiladda.

Xildhibaan Axmed Waysa Cadde ayaa isna soo bandhigay dal-daloolooyinka uu heshiishkan maalgashiga Berbera ee lala galay shirkadda DP Wolrd leeyahay,isla markaana waxa uu sheegay in heshiishkan intii uu ka arkay uu khalad badan ku jiro, waxaanu yidhi "Xildhibaanadu ma diidana maalgashiga, oo dadkeeddu ma diidana , waxa la diidan yahay heshiishku suuqa ayuu noogu yimid isagoo maraya, saxeexii dawladana wuu lahaa, dawladdu may dafirin oo may odhan kaasi maaha heshiishkii aanu galnay,way nagu raaceen inay saxeexyadooddii yahay, qodobo ka mid ah heshiishka oo u muuqday in dalka lagu dhaxal wareejinayo ayaanu tilmaamaynaa oo aanu diidnay, qodobadda waxa ka mid ah dekadeena lama qiimayn, shirkadda DP world wuxuu meesha gashanaya si fiican looma qiimayn, goorta la bilaabayo iyo in maalkoodda lagu bilaabayo ma cayimna, marka meesha waxa ka muuqata mad madow, qoladan xukuumadda ee horumarka ka hadlaysa waxa ka horaysa waxa qoran ee lagu heshiiyey wuxuu yahay, heshiishkaasi shaqaalaha waa lagu dulmiyeyaa oo inta la doona ayaa lala baxaya inta ay doonaana way eryeyaan ayaa la leeyahay, intii kale xaquuqdeedii meeday, laba boqol oo sanno ayaa xamaalnimadda la kala dhaxlayey aayar uun ha laga eryo suurogal noqon mayso, dekado kale lagama dhisi karo xeebtaasi badda cas wax macquul ah maaha qodobadda way ku jirtaa, hadddii la is qabsado Ingiriiska lagu kala baxayaa ma yeelayno ee dalkeena lagu garnaqsanayaa, xafiiska guud ee dekadda la maamulayaa waxa la sheegaya in Dubay laga dhigayo maxa Berbera loogu diiday in laga maamulo"

Xildhibaan Maxamed Qabile oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi "Hay’ad kasta waxay ku socota waa qawaaniinta dalka u dejisan, intayada halkan fadhidda waxaanu nahay dawladdii, marka uu deegaanka aanu ka soo jeedna gardaran ka gardaran yahay qaraniamda waxaanu difaacayna qaranimadda oo aanu kala midnahay dawladda Somaliland, laakiin marka lagu xadgudbo oo qawaaniinta wax ka duwan lagu dhaqmo, waxaanu nahay wakiiladoodii waxaanu difaacayna xuquuqda dadka deegaankayaga, anagoo ku difaacayna qawaaniinta iyo xeerarka Somaliland."

Xildhibaan Siciid Cilmi Roobe ayaa isna ku dooday "Ninka Reer Berbera wax kuma qabaan Berbera, ninka miyiga iska jooga waadiga arkaya marka laamida maraysaan waa ninka isagoo haraadsan jidka iska maraya, iyadoo dhaqaalihii wadanka oo dhana agmarayo ayaanu dan ka galayn,waxan waxa walaaqaya waa wasiirka madaxtooyada, wasiiradii kale lama tusin waxan la wad waddo, wasiiradii codeeyey way baqanayeen oo waxay is lahaayeen haddii aad diidaan waa lagu eryi oo gacanta ayey iska taageen, imika golahayagii ayaa lagu soo wadda, horta waa in heshiishkaasi golaha la keenaa oo aanu aragnaa, sharer baa dibadda la dhigtay oo la qarinayaa oo la is leeyahay yaanay muuqan, xukuumadan waxa la mooda inay ugu tallogashay in aanay dal ka dambayn".

Xildhibaanaddan golaha Guurtidda iyo Wakiiladda ee ka soo jeedda gobolka Saaxil ayaa sheegay in xadhiga iyo cago juglaynta aanay waxba kordhinayn haddii aan arrin kasta la isku afgaran, waxaanay xukuumadda usoo jeediyeen in culayska ka qaado Berbera, isla markaana heshiishkan mugdiga ka saarto oo si fiican dadka uga dhaadhiciso.

Xukuumadda ayaa soo saartay amar ay ku diidan tahay shir ay doonayeen in dadka deegaanka Saaxil oo shir ku qabsadaan deegaanka Laasgeel ee gobolka Saaxil, iyadoo loo xidhay madax dhaqameedkii abaabulayey qabsoomidda shirkaasi.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland