4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 1 , 2016
Dagaallo ka Socda Deegaanka Xiim-cadde oo ka Tirsan Galguduud iyo Galmudug oo ka Hadashay


Isniin, August 01, 2016 (HOL) — Dagaallo u dhexeeya laba beelood ayaa ka socda Deegaanka Xiim-Cadde ka tirsan degmada Ceel-Buur ee gobalka Gal-guduud, kuwaaasoo la sheegay inay ku dhinteeen in ka badan 20-qof, ayna ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay ka Walaacsan tahay dagaallada soo noq-noqonaya ee Deegaanka Xiim-Cadde oo ka tirsan degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud, kaasoo dhex-maraya labo maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada-daga.¨

Sidoo kale, Maamul-goboleedka Galmudug, ayaa ugu baaqaya beelahaan in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo xabadda, maadaama aanay dadku u baahneyn dhiig macno-darro ku daata, dadka ku dhimanaya Dagaalkana ay yihiin dad walaalo ah.

"Waxaanu ugu baaqaynaa Al-shabaab iyo kooxaha kale ee Qas-wadayaasha ah inay deegaankaas ka daayaan hurinta colaadeed ee ay ka wadaan," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Galmudug.

Ugu dambeyn, Maamulka Galmudug ayaa ugu baaqay Odayaasha-dhaqanka beelaha colaaddu u dhexeyso inay u is-taagaan sidii ay Dagaalladaan u joojin lahaayeen, isla markaana arrinta la isku hayo lagu dhameeyo wada-hadal iyo nabad.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya