4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 1 , 2016
Kooxda Kubadda Cagta ee Banaadir FC oo ku Guulaysatay koobkii loo dhigay Todobaadka Dhaqanka ee Somalida Canada (SAWIRRO)

Isniin, August 01, 2016 (HOL) —Kooxda Kubadda Cagta ee Banaadir FC ayaa ku guulaysatay koob lagu maamuusayay todobaadka dhaqanka ee Soomaalida Canada ,kaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay ku tartamayeen kooxo kala duwan.

Banaadir FC ayaa cayaartan oo ahayd finalka koobka Somaliweek la yeelatay kooxda Minnesota TC Stars , ka dib markii koobkan si rasmi ah looga reebay kooxaha kala ah Minnesota Tigers iyo Ottawa FC ,kuwaasi oo kulamadii Semi-finalka lakala cayaaray Banaadir iyo TC Stars.

Dadweyne aad u fara badan oo ay ku jiraan siyaasiyiin caan ka ah dalka Canada ayaa u soo daawasho tagay cayaartan oo ahayd mid si weyn loo wada sugayay ,iyado oo uu jiro xifaaltan dhinaca kubadda ah oo labadan kooxood ka dhaxeeya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka iyo Axmed Xuseen oo ah xildhibaan ka tirsan barlamaanka dalka Canada ayaa iyagana kamid ahaa marti-sharaftii ka soo qayb-gashay daawashada ciyaartan.

Ciyaar-yahanno hore oo cuslaaday ayaa sidoo kale goob-joog ka ahaa cayaartan oo ay Kooxda Banaadir ku badisay rigoorayaal ,waxaana uu dhex-marayay 12- kooxood oo ka kala yimid Canada, Maraykanka iyo waliba Ingiriiska.

Ugu danbayn ,tatankan ayaa soo bilowday 24-tii bishii hore ,waxaana abaal-marin-no kala duwan la gudoonsiyayay qaar kamid ah ciyaar-yahanadii ka qayb-galay koobkan oo ay cayaaristiisa soo bilaabatay sanadkii 1991.

Faysal M. Hassan
[email protected]