4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 1 , 2016
Puntland oo looga dabbaal dagaayo markii maamulkaa la aasaasay

Isniin, Agoosto 01, 2016 (HOL)-Dawlad goboleedka Puntland ayaa waxay maanta u dabbaal dageysaa sanad guuradii 18aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay.

Munaasabado loogu dabbal dagayo 1da Agoosto oo ah maalintii dhidibada loo aasay xukunkaa Soomaaliyeed sanadkii 1998 ayaa ka socda meelo badan oo Puntland ah gaar ahaan xarunta Puntland ee Garowe. Madax sarsare oo dawlada Puntland ka tirsan ayaa lagu wadaa inay dadka kula hadlaan meelo fagaare ah oo kuyaala xarunta Puntland ee Garowe iyo meelo kale.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay guud ahaan Puntland gaar ahaan magaalooyinka waaweyn saaka sida Garowe iyo Boosaaso.

Wariyaha SONNA ee Puntland ayaa sheegay in ciidamada booliska ay gaaf wareegayaan waddooyinka iyo dhismeyaasha muhiimka ah magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe ayagoo geyfnaan kujira.

Puntland ayaa la aasaasay sanadkii 1998 mar qeybo badan oo Soomaaliya ah ay kajireen colaado lagu hoobtay oo ahli ah.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]