4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 1 , 2016
Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Xukunno ku ridday Eedeysanayaal lagu soo qabtay Maandooriye


Isniin, August 01, 2016 (HOL) — Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ku riday xukunno 31-qof oo lagu soo qabtay maandooriyeyaal, kuwaasoo isugu jiray rag iyo dumar, iyadoo saraakiisha ciidamada soo qatay ay sheegeeen in dadkan ay qaarkood isticmaalayeen Maan-dooriyaha halka kuwo kalena ay iibinayeen. Waxaana ka mid ahaa Xashiish iyo Qamri.

Dhageysiga dacwadooda kaddib ayay maxakmaddu sii deysay afar ka mid ahaa eedeysanayaasha, kaddib markii lagu waayay eedeymihii loo haystay, waxayna maxkamaddu ku xakuntay 27-qof oo kale min lix bilood oo xabsi ah

"Howl-galka waxaa iska kaashanaday saldhigyada booliiska Xamar-jajab iyo Xamar-weyne, wuxuuna u dhacay sidii loogu talo-galay, dadkan iibinayay iyo kuwa isticmaalayay maandooriyeyaal ayaana lagu soo qabtay," ayuu yiri taliyaha saldhigga booliska Afar-irdoodka, Col. C/qaadir Axmed Shire Matooto oo warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale, Guddoomiyaha degmada Xamar-jajab, Axmed Cisman Dhoore oo isna hadlay ayaa sheegay in howlgalkan lagu guuleystay in lagu soo qabto 31 qof oo ku howlanaa Waxyaabaha maanka dooriya.

Dhanka kale, guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur ayaa isagana tilmaamay in 27-ka mid dadka lagu xakumay min lix bil oo xarig ah, halka uu ku dhawaaqay in maxkamadda ay sii deysay afar qof markii lagu waayay wax dambi ah.

Ugu dambeyn, ma ahan markii u horreysay oo dad maandooriyeyaal lagu soo qabto ay Maxkamadda Gobolka Banaadir xukunno ku riddo, balse horay ayay xukunno kala duwan ugu ridday dad lagu soo qabtay Maan-dooriye.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya