4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 1 , 2016
Weerar lagu qaaday dhisme ay ku badan yihin Dadka Ajaanibta ah ee ku sugan dalka Afghanistan


Isniin, August 01, 2016 (HOL) — Dhisme ay ku badan yihiin Dadka Ajaanibta ah ee ku sugan Dalka Afgaanistana ayaa lagu qaaday weerar qaraxyo ah oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Weerarkaan oo loo adeegsaday Gaari weyn oo Waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala eegtay saldhigga Bagram oo ku yaalla duleedka xarunta dalka Afghanistan ee Kabul.

Sidoo kale, Dhismaha la weeraray oo loo yaqaano North Gate, ayaa saddax sano ka hor lagu qaaday weerar noocan oo kale ah, kaasoo ahaa mid ay ka dhasheen khasaarooyin fara badan.

Dhanka kale, Wararka hordhaca ah ee laga helayo Weerarka maanta dhacay ayaa la sheegay inay ku dhinteen laba qof oo midkood uu ahaa askari, halka kan kalena uu ahaa mid ka mid ah xoogagga Taliban.

Jabhadda Taliban ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay inay ka dambeysay weerakaasn, waxaana ururku uu intaas ku daray xoogageeda ay dhismaha gudaha u galeen.

Ugu dambeyn, Illaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee weerarkan ka dhashay, mana jiro war kasoo baxay dhanka maamulka Afghanistan.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya