Shirkii Brussels oo Qoxootiga Soomaaliya loogu deeqay dhaqaale ka badan 100-milyan oo Doollar

Arbaco, Oktoobar 21, 2015 (HOL) — Ururka Midowga Yurub ayaa 60-milayn oo doollar ugu deeqay qoxootiga Soomaaliya, waxaana yaboohan looga dhawaaqay shir dhaqaalaha loogu ururinayo qoxootiga Somalia oo ka furmay maanta Brussels, xarunta dalka Belgium.
Wakiilka Midowga Yurub ee arrimaha dibadda iyo siyaasadda, Federica Mogherini iyo gudoomiyaha Midowga Yurub ee xiriirka caalamiga ah; Neven Mimica ayaa ka sheegay shirka in yabooha dhaqaale ay ugu yabooheen qoxootiga Soomaalida ee ku sugan dalka Kenya iyo barakacayaasha ku sugan gudaha Soomaaliya.
Dhaqaalahan ayaa la sheegay in lagu maal-gelin doono laba dhinac oo muhiim ah, iyadoo la sheegay in 50-milyan oo doollar lagu bixinayo in lagu caawiyo is-dhexgalka qoxootiga iyo dadka Soomaaliya gudaheeda ku barakacay, kuwaasoo laga kaalmeynayo adeegyada lagama maarmaanka ah, marka ay qoxootigu dib ugu laabtaan dalkooda.
Sidoo kale, lacagtan ayaa waxay si gaar ah loogu caawinayaa qoxootiga ku nool xeryaha Dhadhaab-Kenya, kuwa ku sugan Yemen iyo kuwa kale ee Yurub jooga ee doonaya inay si iskood ah dalkooda dib ugu laabtaan dalkooda.
Tobanka milyan ee harayna waxaa lagu bixinayaa sidii ay dowladda Kenya ay gacan u siin lahayd qoxootiga, si fursado xagga nolosha ah loo siiyo qoxootiga aanay u suuro-gelin inay dalkooda ku laabtaan.
Yaboohan dhaqaale ayaa waxaa kaloo lagu caawin doonaa bulshooyinka ku nool goobaha marti-gelinaya qoxootigan; iyadoo shaqooyinka iyo wacyi-gelinta qaxootiga iyo dadka ku nool deegaanadaas loogu sameynayo.
Dhanka kale, wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga calaamiga ah ee Xukuumadda Somalia, C/raxmaan Caynte oo u warramayay VOA-da isagoo ku sugan Brussels ayaa sheegay in shirka lagu yaboohay dhaqaale kor u dhaafaya 100-milyan oo doollarka Mareykanka ah, inkastoo uu sheegay in tiro intaas ka badan la filayay in shirkan lagu yabooho.
Ugu dambeyn, shirka oo lasoo gaba-gabeeyay ayaa wuxuu markii uu furmay waxaa hadal uu ka jeediyay madaxa hay’adda UNHCR ay u baahan yihiin 500 oo milyan oo doollarka Mareykanka si dib loogu celiyo qoxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka dariska la ah Somalia.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
Maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya