4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 11, 2015
Shirkii dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe oo u Muuqda inuu dib u dhac ku yimid Mar kale


Sabti, Abriil 11, 2015 (HOL) — Iyadoo lagu waday in maanta uu Cadaado ka furmo shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe ee Somali ayaa haddana wuxuu u muuqdaa in shirka uu mar kale dib u dhacay, kaddib markii ay madaxda maamulka Ximan & Xeeb sheegeen inay dib ka sheegayaan xilliga uu furmi doono shirka.

Madaxweynaha Somalia ayaa laba casho ka hor kaga dhawaaqay degmada Dhuuso-mareeb in shirka lagu dhisayo maamulka gobollada dhexe uu 11-ka bishan oo ku beegna maanta ka furmi doono Cadaado, balse uu dib u dhac ku yimid.

Degmada Cadaado ayaa waxaa ku qulqulaya ergooyin kala duwan oo ka mid ah kuwa shirka ka qaybgalaya, iyadoo lagu wado maanta inuu gaaro halkaas wasiirka arrimaha gudah iyo federaalka Somalia, C/raxaam Odawaa.

Wararka hoose oo la helayo ayaa sheegaya in shirku uu furmi doono 13-ka bishan oo ku beegan Isniinta, inkastoo madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb uu sheegay inay dib ka sheegi doonaan maalinta uu shirku furmayo.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa gaaray ciidammo AMSIOM ka socda AMISOM, gaar ahaan kuwa Itoobiya, kuwaasoo loogu talo-galay inay sugaan amniga degmadaas inta uu shirku socdo.

Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in shirka uu furmi doono, isla markaana Maamulkiisa uu qaadan doono doorka sugida amniga, waxaana uu xusay in ergooyinka ay soo gaarayaan magaalada.

Diyaar-garowga loogu jiro shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe ee dalka ayaa la sheegay inuu meel sare marayo; iyadoo maamulka halkaas ka jir uu diiday in madaxwey-nuhu uu ku dhawaaqo caasimadda maamulka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya