7/28/2025
Today from Hiiraan Online: Bilan Bile Mahmoud appointed Banadir secretary-general, repl...
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 1 , 2014
Dabley xalay Weerar ku qaadday Guri ay xaflad aroos ka socotay iyo dagaal ka dhacay Xaafadda SOS ee Degmada Huriwaa

Arbaco, Janaayo 01, 2014 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo dhinacyadii dagaalamay iyo shacab isugu jiray ayaa ku dhintay dagaal ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab xalay ku dhexmaray xaafadda SOS ee  degmada Huriwaa.

Dagaalkan ayaa ymid kadidb markii xoogag taabacsan kooxda Al-shabaab ay weerareen saldhig ay ciidamada dowladda ku lahaayeen xaafaddaas, iyadoo dadka deegaanku ay sheegeen in hub culus iyo mid fudud ay dhinacyadu is-dhaafsadeen.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dadka dhintay ay laba ka mid ah ahaayeen shacab ay rasaastu ugu tagtay guryahooda, iyadoo labada kale ay ahaayeen dhinacyadii hardamayay.

“Xaafadda dagaal culus ayaa xalay ka dhacay, waxaana intii uusan dagaalku billaaban la dareemayy cabsi weyn iyo rasaas ay ciidamadu sare u ridayeen mararka qaarkood,” ayay tiri gabar ka mid ah dadka deegaanka oo sababo dhinaca ammaanka magaceeda loo qariyay.

Dhanka kale, kooxo hubeysan oo wajiyada qarsada ayaa xalay weeraray guri uu ka dhacayay aroos oo ku yaalla xaafadda Suuqa Xoolaha ee isla degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, kuwaasoo burburiyay qalab kuwa muusiga ah.

Qaar ka mid ah dadkii xafladda joogay ayaa saxaafadda u sheegay in koox dhallinyaro ah oo wajiyada qarsaday watayna bastoolado iyo bambooyinka ay soo galeen guriga, ayna markiiba burburiyeen qalabkii musiga, dadkana ay ku amreen inay goobta ku kala tagaan, taasoo keentay in markiiba ay kala cararaan dadkii xafladda ku sugnaa.

Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaas, iyadoo kooxahan markii ay kala eryeen dadkii goobtaas ku sugnaa iyagana goobta isaga tagay, mana jirto cid sheegatay inay mas’uul ka ahayd arrinta, balse dadka deegaanka ayaa sheegay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin.

Degmada Huriwaa oo ka mid ah degmooyinka ku yaalla dhinaca Waqooyi ee Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan, dagaallo iyo falal kasoo horjeeda ammaanka, iyadoo degmadaas ay ku xooggan tahay Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya