7/26/2025
Today from Hiiraan Online: Livestock vessel briefly detained off Yemeni coast amid mari...
Wararka Maanta- Axad, May 25, 2014
Qarax xalay ka dhacay Maqaahi ku taalla dalka Jabuuti oo sababay dhimasho


Axad, May 25, 2014 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo midi ay haweeney tahay ayaa ku dhintay qarax xalay ka dhacay maqaahi ku taalla magaalada Jabuuti ee xarunta u ah dalka Jabuuti, iyadoo ay ku dhaawacmeen qaraxan 15-qof oo kale.

Warbixin ay soo saartay qaraxa kaddib wasaaradda arrimaha gudaha iyo Jabuuti ayaa lagu sheegay in laba qof oo ka mid ah dadka ku dhintay qaraxa ay ahaayeen kuwii qaraxaas fuliyay, kuwaasoo ay sheegeen in mid ay haweeney ahayd oo ay xirnayd indho-shareer.

Qaraxan ayaa ka dhacay maqaahi ay inta badan tagaan dadka reer galbeedka ah, iyadoo aan la ogeyn cidda qaraxan ka dambeysa, waxaase wasaaraddu ay sheegtay inay waddo baaritaanno ku saabsan halka laga soo maleegay qaraxan iyo cidda ka dambeysa.

Ma jiraan ilo madax-bannaan oo sheegaya khasaaraha ka dhashay qaraxan, iyadoo shacabka Jabuuti ay aad u hadal hayaan qaraxii xalay ka dhacay maqaayada ay ku caweyn jireen dadka ajaanibta ah ee dalkaas ku sugan.

Suxufi ka tirsan idaacadda iyo telefishinka Jabuuti ayaa u sheegay BBC-da in dadka reer Jabuuti ay aad uga argagaxeen qaraxa, isagoo xusay in qaraxan uu ahaa mid ku cusub magaalada Jabuuti, dadkuna ay aad ula yaaban yihiin.

“Dadka Jabuuti intooda badan waxay ka sheekeynayaa qaraxii xalay dhacay, inta badan shacabka Jabuuti ma arag qaraxyo ka dhacaya,” ayuu wariyuhu sheegay, iyadoo aysan jirin cid sheegatay illaa iyo hadda iyo cid loo qabtay.

Isbitaallada magaalada Jabuuti ayaa la dhigay dhaawacyadii ka dhashay qaraxii xalay dhacay, iyadoo aan la sheegin dad ajnabi ah ay ku jiraan iyo in kale, balse goobta uu ka dhacay ayaa ahayd meel ay isugu tagaan dadka ajaanibta ah.

Qaraxan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Xarakada Al-shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda Soomaaliya ay horay ugu hanjabeen inay qaraxyo ka geysan doonaan dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Waddanka Jabuuti ayaa ka mid tahay lix dal oo Afirkaan ah oo ay ka socdaan in ka badan 20,000 oo askari oo ciidamada AMISOM ah, kuwaasoo dowladda Soomaaliya gacanta ka siinaya dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya