7/18/2025
Today from Hiiraan Online: 34th Eastern Africa Standby Force Chiefs of Defence meeting ...
Wararka Maanta- Khamiis, May 1 , 2014
Howlgallo saaka ka socda xaafadaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir

Khamiis, May 01, 2014 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa baaritaanno ka billaabay saakay xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, iyadoo dad badan lagu soo qab-qabtay howl-gallada.

Dadka xaafadahaas ku nool ayaa sheegay in saaka aroortii hore ay gudaha xaafadahooda ku arkeen ciidammo fara badan oo isugu jira kuwa dowldda iyo kuwa AMISOM, ayna guryaha oo dhan baaritaanno ku sameynayaan.

"Markuu waagu baryay ayaan aragnay ciidammo fara badan oo xaafadaha ku sugan, waxaan arkay dad badan oo ay qabteen kuwaasoo lagu guray gaadiidka shabaqlaha loo yaqaanno,” ayuu yiri mid ka mid ah degmadaas ku nool.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee howlgalka qaybta ka ah oo wax laga weydiiyay dadka ay ku qabqabteen howlgalka ayaa ka gaabsaday inay si faahfaahsan uga hadlaan, balse waxay sheegeen inay dad badan ku qabteen howlgalka.

Degmada Yaaqshiid ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dilal qorsheysan iyo qaraxyo lagu beegsanayay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM, iyadoo sidoo kalena dhowr qof oo shacab ah lagu dilay degmadaas.

Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay ka socdeen xaafadaha degmada Huriwaa howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo, iyadoo dadka howlgallada lagu qabto la geeyo xarumaha baarista booliiska Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya